BAM LAGU TUURAY HUDHEEL KU YAAL GONDER OO KHASAARE GEYSTAY

gondercty

ADIIS ABABA – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, halka 11 kale ku dhaawacmeen bam lagu tuuray hudheel ay si aad ah u booqdaan dadka tamashlaha u taga Gonder, Ismaamulka Axmaarada.

Booliska degmada ayaa xusay in qof aan la garnaynin u bam ku tuuray hudheelka Entasol ee degmada Gonder islamarkaana la baadi-goobayo.

Ismaamulka Axmaarada waxaa weli ka aloosan rabshado isu badalay gacan-ka-hadal hubaysan oo xukuumada lagaga soo horjeedo. Waa markii labaad ee bam lala beegsadao hudheelada ku yaal ismaamulka Axmaarada todobaadkan.

Ma jirto cid sheegatay masuulliyada qaraxyada, balse dawlada ayaa ku eedesay wax ay ugu yeedhay’ xoogaga naba-diidka ah’ oo badalay tabahoodi. Ereyga naba-diid ayaa loo adeegsadaa jabhadaha ka soo horjeeda dawlada iyo taageerayaashooda.

Docda kale, safaarada Maraykanka ee Addis Ababa ayaa shaqalaheeda iyo muwadaniinta ka soo jeeda dalkeeda uga digtay inay u socdalaan Gonder iyada oo xustay qaraxa xalay dhacay. Safaarada ayaa digniinteeda raacisay inay khatar tahay in la aado magaaladaas.

F.g: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com