Category Archives: Wararka

LIYU BOOLISKA DDSI OO LAGU EEDEYEY INAY WEERAREEN GOOBO OROMIYA AH

Liyuu-Police1-1

JIGJIGA – Ciidamada Liyu booliska ee ismaamulka Soomaalida ayaa lagu eedeye inay weerareen degmooyin ku yaal soohdinta kala qaybisa labada maamul ee Oromada iyo Soomaalida.

Waxaa jira xogo tibaaxaya in ciidanka gaarka ahi weerareen beelaha Guji iyo Borena oo dega koonfurta gobolka Oromada. Warbixinta ayaa lagu sheegay in 5 Oromo ah weerarka lagu dilay islamarkaana tiro dad ah lagu afduubay. Waxaa kale oo la tibaaxay in ciidanka Liyugu ay xoolo dhaceen.

Waxaa todobaadyadan isasoo taraye xogo sheegaya in goobo badan oo ah dhulka soohdinta ah ay ciidank gaarka ah ee DDSI dagaal ku qaadeen. Warbaahinta taageerta mucaaradka dalka, gaar ahaan kuwa  Oromada ayaa maalmahanba sheegaye dulaan ciidanka gaarka ahi ku soo qaadeen Oromiya kuwaas oo khasaare geystay.

Taageerayaasha Oromada ayaa xukuumada Jigjiga ku eedeye inay TPLF u wakiilatay hurinta colaad dhaxmarta shacabka Oromada iyo Soomaalida.

Docda kale, muwadniinta Soomaalida ah ee uu kala goosha DDSI iyo Itoobiya inteeda kale ayaa wadnaha farta ku haya iyaga oo ka baqaya in si aargudasho ah loo bar-tilmaasado. Soomaalida ayaa aad uga cabsanaysa raacida gaadiidka mara wadada dheer ee isku-xidha Jigjiga iyo Addis Ababa oo inta badan dhaxmarta gobolka Oromada.

Beelaha Guji iyo Borena ayaa dhankooda sheegay inay weeraro aargudasho ah ku qaadeen ciidank gaarka ee DDSI laakiin lama sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay

ISMAAMULKA SOOMAALIDA OO BIYO LA’AAN AAD U DARAN KA JIRTO

watertrucks2

JIGJIGA – Dhulka joogiisu uu hooseeyo ee Itoobiya ayaa aad looga dareemaya raadka abaar aad u xun oo saamesay dad gaadhaya 3.9 milyan oo u baahan gargaar degdeg ah iyo biyo. Ugu yaraan 171 degmo oo ku baahsan gobolada Oromada, Canfarta, Soomaalida iyo Dhabuubka(Qoomiyadaha koonfureed) ayey biyo la’aan aad u xun ka jirta.

Hay’ada u qaabilsan Qaramada Midoobay iskudubaridka hawlaha gargaarka, OCHA, ayaa sheegtay in goboladan ay ka shaqaynayan 208 booyadooda laakiin ay weli jirto baahi loo qabo booyadaha. Warbxinta ayaa lagu xusay in baahida ugu weyn ee booyaduhu ay ka jirto ismaamulka Soomaalida.

Inkastoo xukuumada Jigjiga in badan ku soo celcelisay in horumar weyn laga sameeya dhanka adeega biyaha ee gobolka, haddana waxaa muuqata in baahida biyaha ee dadweynuhu qabaan ay tahay mid aad u sareysa. DDSI ayaa horey u baahisay in barkado, baliyo, ceelal dhaadheer iyo biyo-xidheeno badan gobolka laga hirgaliye.

In ka badan 1.6 milyan qof oo ku dhaqan DDSI ayaa u baahan gargaar degdeg ah sida ay xustay hay’ada Itoobiya u qaabilsan kaalmaynta dadka tabaalaysan. Dawlada federaalka ah iyo xukuumada kilika ayaa sheegay in loo qoondeeyey maalyin birr kaalmaynta dadka tabaalaysan, balse ilaa hadda gargaarku ma gaadhin degmooyinka badankooda.

Ururada samafalka ayaa xusay in ka badan 500 oo booyadood loo baahan yahay si loo daboolo baahida biyaha ee ka jirta goobaha abaaruhu ku habsadeen ee ismaamulka Soomaalida.

Dawlada Itoobiya ayaa shalay codsatay in laga gargaaro abaarta oo mar kale dalka ku habsatay muddo 2 sano gudahood ah.

F.g: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay

 

CIIDAMADA ITOOBIYA EE AMISOM OO DEEQ GAADHSIYE JUBALAND

Ethamsoskis

KISMAAYO – Ciidamada Itoobiya ee hoostaga maamulka AMISOM ayaa deeq raashin ah gaadhsiye dadweynaha ku dhaqan tuulada Goobweyn oo 12km dhanka waqooyi ka xigta Kismaayo.

Bulshada ku nool tuulada oo ah beeralay ayey dhibaato ka soo gaadhay abaaraha ku habsaday Geeska Afrika oo dalagyadii muhiimka ahaa waxyeelay.

Deeqadan oo dadweynha la gaadhsiiye Axadii la soo dhaafay ayey dadka taabalaysan aad u soo dhaweeyeen sida lagu xusay warbixin ay baahisay AMISOM.

Arrintan ayaa fajac noqon karta maadaama 5.6 milyan oo Itoobiyaan ah la silicsan yihiin abaaro aad u daran oo ku dhuftay gobolo dalka ah. Dawalada Itoobiya ayaa beesha caalamka ka codsatay in laga gargaaro abaarta iyo mashaqada ka dhalatay.

Ciidamo aan  tiradooda la hubin oo siyaabo kala duwan u soo galay  Soomaaliya ayaa Itoobiya ka jooga goobo badan oo Soomaaliya ah. Dawlada Addis Ababa ayaa saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya iyada oo xidhiidh dhaw la leh qaybaha ay u kala jajabtay jamhuriyadii Soomaaliyeed si ay danaheeda gaarka ah uga fushato.

Sarkaal ka mid ah ciidanka Itoobiya, Tilahun Abraha, ayaa xusay in ciidanka Itoobiya naftooda u hureen Soomaaliya si loo soo celiyo karaamada iyo amaanka Soomaaliya.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Soamlistate.com oo soo diyaarisay

ITOOBIYA OO SHEEGTAY IN ADUUN DHAN $ 47 MILYAN LOO QOONDEEYE HAWLAHA GARGAARKA

abaar3

ADDIS ABABA – Xukuumada EPRDF ayaa tibaaxday inay lacag dhan $47.35 milyan u qoondeeysay sidii wax looga qaban lahaa hawlaha gargaarka ee sanadkan 2017-ka.

Go’aanka ayaa la qaatay kadib markii guddi isku-dhaf oo ka kooban xubno dawlada ah iyo ururada gargaarku ayaa shaaca ka qaadeen in dad gaadhaya 5.6 milyan ay u baahan yihiin gagaar degdeg ah.

Itoobiya ayaa la tacaalaysa abaaro soo noqnoqday oo ka jira goobo badan oo dalka ah kuwaas oo khatar galiye maaliyan dad iyo xoolo isugu jira. Dadka taabalaysan ayaa ku baahsan gobolada Oromada, Soomaalida, Axmaarada, Qoomiyadaha koonfureed iyo Canfarta.

Ismaamulada Oromada iyo Soomaalida ayaa ah labada gobol ee aad looga dayriye islamarkaana ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee u baahan gargaarka. Dadka gargaarka u baahan 36% ayaa ku dhaqan Oromiya, halka 29% (1.624.000) ay yihiin Soomaali.

Meelo badan oo ka mid ah ismaamulka Soomaalida ayaa laga dareemay raadka abaarta iyada oo dadka taabalaysan badankoodu ayna wax gurmad ah weli helin. Waxaa jira xogo tilmaamaya in xayirada ganacsiga iyo canshuurta badan ee laga qaado dadka reer guuraga ah ay xaalada si murgisay.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in aduun dhan $948 milyan loo baahan yahay si loo quudiyo dadka u baahan gargaarka.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay

 

XISBIGA HAYA TALADA ITOOBIYA EE EPRDF OO SHEEGAY INUU LA XAAJOONAYO URURADA MUCAARADKA AH

eprdf

ADDIS ABABA – EPRDF ayaa sheegtay inay dood la samaynayso ururada mucaaradka ah ee dalka laga aqoonsan yahay. Wada-xaajoodka noocan ah ayaa la filayaa in la bilaabo toddobaadka soo socda.

Carrabka laguma dhufan ururada wada-hadalka lala galayo, laakiin waxaa dalka ka diiwan gashan 23 xisbi oo inta badan la maqlo magacdooda xiliyada doorashado jirto inta kalana hawl-gab ah.

Xubin ka mid ah gollaha fulinta ee EPRDF, Shiferaw Shigute, ayaa sheegay in lala xaajoonayo ururada danaynaya inay la shaqeeyaan xisbigiisa iyo kuwa u taagan nabada iyo qaranimada wadanka.

Ururada mucaaradka ah ayaa EPRDF ku eedeya kali-talisnimo iyo in go’aankeeda ay awood ku meel mariso halkii ay miiska soo fadhisan lahayd.

Sidoo kale, xubnaha ugu firfirccon ururda siyaasiga ah ee dalka laga aqoonsan yahay ayaa ka buuxa xabsiyada iyada oo qaarkood lagu eedeye falal argagixsinimo.

Wadamada reer Galbeedka iyo ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa xusay inay meesha ka maqan tahay furfurnaan siyaasadeed iyada oo taageerayaasha muacaaradka lagu riixayo inay qulqulatooyin dan moodaan.

Shiferaw ayaa tibaaxay in waxyaabaha la wadaago ka sakow laga dooday aragtida lagu kala duwan yahay. Waxa uu intaa ku daray, in xisbiyada mucaaradka ah laga codsnayo in ajandahooda siyaasadeed u soo bandhigaan dadweynaha.

EPRDF ayaa horey ugu yaboohday inay isbadal mug weyn ka samaynayso dalka, hasayeeshe dadweynaha ayaa weli sugayo in talaabooyin muuqda la qaado.

Ururada mucaaradka ayaa rumaysan in isbadalada lagu dhawaaqay aanay run ahayn laakiin la doonayo in dadka wakhtiga lagaga lumiyo. Mucaaradka ayaa ku baaqay inay doorashooyin cusub dalka laga qabto.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay.

ITOOBIYA OO OODA KA QAADAY MAXAABIS MASAARI AH

taha-masoor

QAAHIRA – Wsaarada arrimaha dibada ee Masar ayaa xaqiijisay in Itoobiya sii deysay 3 nin oo Masaari ah oo la qabtay intii mudahaaradyada rabshadaha wataa ka socdeen dalkaas.

Wasaarada ayaa xustay in maxaabiista xoriyadoodii loo soo celiye kadib markii dawlada Masaaridu arrintaas dadaal dheer u gashay. Nimankan ayaa muddo bilo ah dhax yururay xabsiyada Itoobiya.

Waxaa xusid mudan, in Itoobiya ku eedsay wadamada Masar iyo Eritrea  inay taageerayaan mucaaradkeeda islamaraakana qayb ka yihiin qulqulatooyinka ka jira dalkeeda.

Xukuumada EPRDF ayaa 3-da Masaarida ah horey ugu soo oogtay inay faraha kula jireen fala dhan ka ah dalkeeda, balse hadda nimaankaas ayaa shalay ka dhoofay Itoobiya iyada oo wax danbi ah aan lagu soo helin. Sadaxda nin  ayaa shaqaale ka ahaa hodheelo caalami ah oo ku yaal caasimada Itoobiya.

Masar iyo Itoobiya ayaa isku maadhafsan dhismaha biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ka wado wabiga Nile.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay.

 

Djibouti President Doubts Africa Will Be High on Trump Agenda

omargulleh

Djibouti’s president says African leaders believe President-elect Donald Trump will pay little attention to Africa, but is hopeful that Djibouti can continue a strong bilateral relationship with the U.S.

“Africa does not appear on the foreign agenda of the U.S. president-elect, Donald Trump, but as Djibouti, we had a good and deep relationship with U.S. government which I am hopeful will continue,” Ismail Omar Gulleh said in an exclusive interview with VOA Somali Service on Thursday. “Our relationship was not with an individual but with U.S. institutions.”

Ending his 2015 visit to Africa, U.S. President Barack Obama warned the continent would not advance if its leaders refuse to step down when their terms end. “Nobody should be president for life,” Obama said.

However, last April, President Guelleh won third term in a disputed re-election boycotted by opposition parties. In order for Guelleh to win that election, parliament had to change the country’s constitution because presidents were limited to two terms.

Mind your business

Referring to Obama’s warning and the recent U.S. election results, Guelleh said, “Those who used to say we are giving lessons to Africa, you see what they are facing. It is none of their business to determine any incoming or outgoing African president,” he said.

The tiny East African country hosts the United States’ only military base on the African continent. In 2014, the U.S. and Djibouti signed a 10-year lease on the military base, Camp Lemonnier.

At the time, the based housed about 4,000 U.S. soldiers and other military personnel. The United States regards it as a major staging area for attacks against terrorists in Yemen and Somalia, where Djiboutian solders are part of the African Union force that has had some success against al-Shabab militants.

Chinese influence

Djibouti is also home to a military base from former colonial power France. Japan has also leased a military base, while there is a growing Chinese influence in Djibouti.

On Wednesday, Djibouti and its neighbor Ethiopia officially launched the first fully electrified cross-border railway line in Africa, a project 70 percent financed by China’s Exim Bank and built by China Railway Group and China Civil Engineering Construction.

Guelleh says his country is capable of managing those different and sometimes rival foreign interests.

“All those countries which have bases and interests in Djibouti have been brought together by common interests, including the global anti-terrorism efforts, the piracy and economic interests. So that, we are capable of managing and maintaining good relationship with our friends.”

Source:VOA

HRW MAXAY WARBIXINTEEDA SANADLAHA AH KAGA SHEEGTAY DDSI?

hrw

NAIROBI- Ururka u dooda xuquuqda aadanaha, HRW, ayaa soo bandhigay warbixinta sanadlha ah ee wadanka Itoobiya. Qoraal aad u dheer oo ururku ka diyaariye Itoobiya ayaa waxaa hadheeye mudahaaradyada iyo rabshadaha ka socda gobolada Axmaarada iyo Oromada.

Dhanka kale, warbixinta ayaa xog aad u kooban ka soo saartay ismaamulka Soomaalida. Waxaa qoraalka lagu xusay in ciidamada gaarka ah ee DDSI, Liyu boolis, aya wadaan gabood-falyo aad u xun oo sabab looga dhigay dagaalka lagula jiro jabhada ONLF. HRW ayaa l xustay inay gobolka ka dhaceen dilal aan sharci ahay, xadhig aan sabab lahayn iyo tacadiyo lagula kacay dad shacab ah oo lagu eedeye inay niyada ka taageeraan jabhada ONLF.

Waxaa si gaar ah loo soo qaatay qurba-joog ku dhaqan Australia oo qaraabadooda xabsiga loo taxaabay kadib markii ay mudharaad kala hortgeen wafdi uu ku jiray madaxweynaha DDSI, Cabdi Maxamuud Cumar, oo booqday Melbourne 12-kii bishii Juun ee kal-hore.

Xukuumada EPRDF ayaan inta badan ku qancin warbixinta HRW iyada oo ku eedeysa inay hal dhinac oo qudha warka ka qaadato – mucaaradka.

Ismaamulka Soomaalida ayaa bilhii la soo dhaafay ahaa goob ay diirada saareen ururada u dooda xuquuqda aadanaha, warbaahinta caalamka iyo urarda muacaaradka ahi iyaga oo soo bandhigay xogo tilmaamaya in tacadiyo murugo leh ay ka jiraan gobolka.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay.

QODISTA CEEL SHIDAAL AH OO SHALAY LAGA BILAABAY DDSI

jeexdin

JIGJIGA – Shirkada laga leeyahay Shiinaha, Poly-GCL, ayaa shalay bilowday qodista ceelkii lixaad ee laga qodo Elaale oo ku taal dhulka joogiisu hooseyo ee loo yaqaan ‘Ogaden Basin’.

Bilowga qodista ceelka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka macdanta ee Itoobiya, Motuma Mekassa, iyo safiirka Shiinaha u jooga Itoobiya – La Yifan.

Mekassa ayaa xusay inay ceelkani ka duwan yahay kuwii hore iyada oo laga rajaynayo shidaal isugu jira gaas iyo batrool. Waxa uu intaa ku daray, in shidaalka lagu soo saari doono muddo 3 sano ah.

Shirkada Shiinaha ah ayaa balaayin doolar ku maalgalinaysa mashruuc hirgalintiisa shaki laga muujiyey oo la doonayo in lagu soo saaro shidaalka DDSI. Waxaa mashruuca qayb ka ah in la dhiso dhuun dheer oo isku xidha goobaha shidaalka iyo dekada Jabuuti oo la doonayo in laga dhoofiyo.

Jabhada ONLF oo dagaal heerkisu hooseyo ka wada meelo gobolka ah ayaa horey ugu hanjabtay inay bartilmaameed ka dhiganayso shirkadaha baadhaya ama qodaya shidaalka maadama gobolku yahay meel colaad ka socoto.

Itoobiya ayaa ciidamo badan ku soo tuushay meelaha shidaalka laga baadhayo iyada oo dadka reer guuraga ah iyo xoolahooda loo diiday inay ku soo dhawadan aagas. Waxaa jira xogo isasoo taraya oo tilmaamaya in dad xoolo- dhaqata ah aagas lagu laaye kadib markii ay damceen inay xoolahooda dhulkaas daaq uga helaan.

Safiirka Shiinaha u jooga Itoobiya ayaa sheegay in mashruucu astaan u yahay iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Dhanka kale, waxaa jira warar sheegaya in saraakiisha ugu sareysa ciidanka Itoobiya isugu tageen Jigjiga toddobaadkii la soo dhaafay si ay uga arrinsadaan kacdoonka iyo colaadaha ka jira Itoobiya. Xogtan oo lagu faafiyey warbaahinta mucaaridka ayaa lagu xusay in shirka lagu go’aamiyey in ciidan badan loo diro gobolka Axmaarada iyo in mushaharka loo kordhiyo askarta sii loo yareyo goosashadooda.

Waxaa kale oo suurtagal ah in kulanka saraakiisha lagu soo qaaday sidii loo sii adkeyn lahaa amaanka goobaha shidaalka ee ismaamulka Soomaalida si kalsooni loo siiyo shaqaalaha Shiinaha ah iyo kuwa ka yimid Itoobiya inteeda kale oo cabsanaya.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay.

BAM LAGU TUURAY HUDHEEL KU YAAL GONDER OO KHASAARE GEYSTAY

gondercty

ADIIS ABABA – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, halka 11 kale ku dhaawacmeen bam lagu tuuray hudheel ay si aad ah u booqdaan dadka tamashlaha u taga Gonder, Ismaamulka Axmaarada.

Booliska degmada ayaa xusay in qof aan la garnaynin u bam ku tuuray hudheelka Entasol ee degmada Gonder islamarkaana la baadi-goobayo.

Ismaamulka Axmaarada waxaa weli ka aloosan rabshado isu badalay gacan-ka-hadal hubaysan oo xukuumada lagaga soo horjeedo. Waa markii labaad ee bam lala beegsadao hudheelada ku yaal ismaamulka Axmaarada todobaadkan.

Ma jirto cid sheegatay masuulliyada qaraxyada, balse dawlada ayaa ku eedesay wax ay ugu yeedhay’ xoogaga naba-diidka ah’ oo badalay tabahoodi. Ereyga naba-diid ayaa loo adeegsadaa jabhadaha ka soo horjeeda dawlada iyo taageerayaashooda.

Docda kale, safaarada Maraykanka ee Addis Ababa ayaa shaqalaheeda iyo muwadaniinta ka soo jeeda dalkeeda uga digtay inay u socdalaan Gonder iyada oo xustay qaraxa xalay dhacay. Safaarada ayaa digniinteeda raacisay inay khatar tahay in la aado magaaladaas.

F.g: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay.

 

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com