Category Archives: Warbixino

LIYU BOOLISKA DDSI OO LAGU EEDEYEY INAY WEERAREEN GOOBO OROMIYA AH

Liyuu-Police1-1

JIGJIGA – Ciidamada Liyu booliska ee ismaamulka Soomaalida ayaa lagu eedeye inay weerareen degmooyin ku yaal soohdinta kala qaybisa labada maamul ee Oromada iyo Soomaalida.

Waxaa jira xogo tibaaxaya in ciidanka gaarka ahi weerareen beelaha Guji iyo Borena oo dega koonfurta gobolka Oromada. Warbixinta ayaa lagu sheegay in 5 Oromo ah weerarka lagu dilay islamarkaana tiro dad ah lagu afduubay. Waxaa kale oo la tibaaxay in ciidanka Liyugu ay xoolo dhaceen.

Waxaa todobaadyadan isasoo taraye xogo sheegaya in goobo badan oo ah dhulka soohdinta ah ay ciidank gaarka ah ee DDSI dagaal ku qaadeen. Warbaahinta taageerta mucaaradka dalka, gaar ahaan kuwa  Oromada ayaa maalmahanba sheegaye dulaan ciidanka gaarka ahi ku soo qaadeen Oromiya kuwaas oo khasaare geystay.

Taageerayaasha Oromada ayaa xukuumada Jigjiga ku eedeye inay TPLF u wakiilatay hurinta colaad dhaxmarta shacabka Oromada iyo Soomaalida.

Docda kale, muwadniinta Soomaalida ah ee uu kala goosha DDSI iyo Itoobiya inteeda kale ayaa wadnaha farta ku haya iyaga oo ka baqaya in si aargudasho ah loo bar-tilmaasado. Soomaalida ayaa aad uga cabsanaysa raacida gaadiidka mara wadada dheer ee isku-xidha Jigjiga iyo Addis Ababa oo inta badan dhaxmarta gobolka Oromada.

Beelaha Guji iyo Borena ayaa dhankooda sheegay inay weeraro aargudasho ah ku qaadeen ciidank gaarka ee DDSI laakiin lama sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay

JABUUTI OO SHEEGTAY INAY GACANTA KU DHIGTAY DAROOGADA KOOKAYN OO DALKEEDA SI TUUGO AH LOO SOO GALIYE

cocaine

JABUUTI – Booliska Jabuuti ayaa sheegay in la qabtay 500-kg oo ah maandooriyaha kookaynta oo daqiiq ah dalka lagu soo galiyey. Daroogada oo ka timid dalka Brazil ayaa ah tii ugu badnayd ee Jabuuti lagu qabto.

Sarkaal u hadlay xukuumada, Maki Cumar, ayaa sheegay in daroogada la qabtay lagu qiimeeyey $5.62 milyan. Maandooriyaha ayaa lagu qabtay dekada Jabuuti.

Warbixinta laguma faafin in dad lagu qabtay daroogada iyo in kale.

Dekada Jabuuti ayaa ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan Geeska Afrika islamarkaana xarun u ah ciidamo badan oo shisheeye ah oo dalka saldhigyo ku leh.

F.G: Xuquuda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay

ISMAAMULKA SOOMAALIDA OO GUULO KA SHEEGTAY MASHAARIICDA BIYAHA XILI DADKA GOBOLKA KU JIRAAN ABAAR AAD U XUN

deepwell

JIGJIGA – Masuuliyiin ka tirsan DDSI ayaa sheegay in gobolka laga hirgalinayo mashaariic dhanka waraabka ah oo ku kacaya maalayiin birr. Waxaa tusaale loo soo qaatay 4 mashruuc oo dhanka waraabka beeraha oo hadda dhismahoodu socdo.

Mashruuca waraabka ee Baka ayaa ka mid ah kuwa tusaalaha loo soo qaatay iyada oo la sheegay in aduun dhan 164 milyan lagu bixinayo. Masruuca ayaa loogu talagay in lagu horumariyo dhul beereed balaciisu dhan yahay 6 kun oo hektaar.Khubarada ku hawlan mashruuca ayaa sheegay in shaqadiisu gabagabo tahay.

Xukuumada jigjiga ayaa in badan sheegtay in horumar weyn laga sameeyay dhanka biyaha, laakiin waxaa muuqata in weli ay gobolka ka jirto baahi weyn oo loo qabo biyaha miyi iyo magaalaba. Degoomiynka waaweyn oo caasimadu ku jirto ayaan weli laga haqab-tirin biyaha nadiifta ah iyada oo dad badan ku tiirsan yihiin biyo lagu dhaamiyo gaadiid kala duwan oo dameeruhu ku jiraan.

Waxaa xaalada biyo la’aanta sii adkeeyey abaaro xun oo gobolka ka jira kuwaas oo ka dhashay roobabkii oo yaraaday iyo jilaalo dhaadheer oo abaar isu rogay. Waxaa la sheegaya in dadka tabaalaysan ayna weli helin gurmadkii ay ka sugayeen dawlada wallow ay xukuumadu sheegtay in maalaayin birr loo qoondayey abaaraha islamarkaana gargaarka la bilaabay.

Dadka dhaleeceeya wax-qabadka dawlada ayaa sheegay in xukuumadu ka gaabisay waajibaadkeedi iyada oo qaar masuuliyiinta ah lagu eedeyey inay ku mashquulsan yihiin xaflado iyo maaweelo xilli dad badan la silcayaan abaaro.

Mashaariicda waraabka ee DDSI ay wado waxaa kale oo ka mid ah ka Wijiwaaji iyo Mara-caato oo dhamaad ku dhaw.

Warbixinta ku saabsan biyaha DDSI ayaa xustay in dadka ku dhaqan gobolka iyo xoolahooduba ku tiirsan yihiin ceelasha dhaadheer ee biyahoodu ayna gudhin.

Dadka la socda xaalada gobolka ayaa dood ka keeni kara sida loo hirgalin karo mashaariic waraab iyada oo muddo ku dhaw 2 sano uuna gobolka badankiisu helin roob ku filan.

F.g: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay

XISBIGA HAYA TALADA ITOOBIYA OO LA DHACAY ISBADALKA UU SAMEEYEY

eprdf

ADDIS ABABA – Gollaha fulinta ee xisbiga haya talada Itoobiya, EPRDF, ayaa soo gunaanday shir 2 maalmood u socday oo xisbiga shaqadiisa lagu qiimaynayey.

Warbixin gaaban oo lala wadaagay warbaahinta dalka ayaa u badnayd amaan xisbigu isu soo jeediyey iyada oo la sheegay in hawlihii isbadalku si wanaagsan u socdaan.

Xisbiga ayaa sheegay in guulo laga gaadhay astaynta kuwa ku sifoobay ku tagri-falka hantida dawlada, dadka qaba aragtida cidhiidhiga ah, xagjirka diimaha iyo kuwa awooda dawlada sida xun u adeegsada.

Waxaa xusid mudan, in ururku sameeyey isku-shaandhayn gollaha wasiirada ee afarta kilil ee uu ka kooban yahay iyo in dad tiro badan la sheegay in xisbiga ama laga eryey ama talaabo laga qaaday, laakiin dadweynaha Itoobiya ayaan ku qancin isbadalka lagu faanayo iyada oo wax la taaban karo aan ilaa eega la qaban.

Gollaha fulinta ee EPRDF ayaa aad ula dhacay natiijada xaalada degdega ah iyaga oo sheegay inay joojisay burbur dalku uu wajihi lahaa.

Warbxinta ayaa lagu sheegay in EPRDF diyar u tahay hirgalinta nidaamka xisbiyada badan iyada oo la xaajoon doonta ururada doonaya inay si nabad ah u shaqeeyaan.

Mucaaradka dalka iyo saaxafada xorta ah ayaa sida dalka loo maamulo ku tilmaantay keli-talisnimo iyada oo intaa lagu daray in awooda iyo khayraadka dalku gacanta u galay dad tiro yar.

Kooxaha dawlada lidka ku ah ayaa sheegay in isbadal lagu qanci karo uu ku iman karo doorasho xor ah oo la qabto kadib marka xisbiga talada haya is casilo.

FG: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay

ITOOBIYA: HOGAAMIYE DIIDAY INUU XIDHIIDH LA LEEYAHAY ARGAGIXISADA

gudina

ADDIS ABABA – Hogaamiyaha ururka Oromo Federation Congress(OFC), Merera Gudhina, ayaa diiday in uu wax xidhiidh ah la leeyahay argagixisada.

Itoobiya ayaa siyaasigan ku eedeesay inuu la kulmay madaxda jabhada Ginbot 7 oo ah urur laga mamnuucay dalka, balse qareenka u doodaya hogaamiyaha xidhan ayaa xusay in Gudhina uu ka soo horjeedo qulqulatooyinka islamarkaana u arrintaas caan ku yahay.

Madaxa OFC ayaa Khamiistii la hor keenay maxkamad. Dibalamaasiin, qaraabada siyaasiga iyo dad kale oo daneynaye dhagaysiga dacwada ayaa iridaha laga ootay iyada oo loo sheegay in aan loogu talagalin dacwadan in la dhagaysto.

Maxakamada ayaa booliska muddo bil ah siisay inay ku soo ebyaan dacwdooda iyada oo haddana Merera la hor keeni dono maxakamada bisha January 26-ka

Siyaasigan oo ah xubinka ugu cadcad mucaaradka Itoobiya ayaa ka soo horjeeda siyaasada EPRDF ee ku aadan mucaaradka iyo sida qoomiyada Oromada loola dhaqmo. Waxaa kale oo uu si xoog leh u cambaareeye ciidamada dawlada iyo xad-gudubyadii loo geeystay dadka sida nabada ah u mudahaaraday. Rug-cadaaga ayaa xaalada degdega ah ee dalka lagu soo rogay ku tilmaamay mid aan xal keeni karin.

Danjirayaasha reer Galbeedka iyo saaxafada wadamadaas ayaa rumaysan in xeerka lidka argagixisada ee Itoobiya loogu talagay in mucaaradka dawlada lagu cambudhiyo.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay.

WEERARO KA DHACAY GAMBELLA OO DHIMASHO IYO DHAAWAC GEEYSTAY

gambela1

GAMBELLA – Weeraro qorshaysan oo ka dhacay ismaamulka Gambella ee Itoobiya ayaa khasaare geeystay sida laga soo xigtay ciidanka amaanka. Budhacd hubaysan ayaa rasaas ooda akaga qaaday bas waday 40 rakaab ah oo ka yimid magaalada Gambella una sii jeeday degmada Metar.Weerarka oo shalay subax dhacay ayaa waxaa ku naf waayey 5 qof halka 8 kale ku dhaawacmeen. Warbxinta booliska ayaa xustay in basku aad uu gubtay iyada oo dadka dhintay qaarkood bas baaleen.

Gobolka ayaa caan ku ah dagaalo u dhaxeeya qabiilo kala duwan iyo jabhado ka soo horjeeda dawlada, laakiin cid masuuliyada weerarka sheegatay ilaa eega ma jirto.

Docda kale, dablayda ayaa hal qof oo kale ku dilay degmada Etang kahor inta ayna baska siday rakaabka weerarin.

Xoogag isugu jira ciidamada federaalka ah, boolis iyo maleeshiyaad taabacsan maamulka Gambella ayaa baadigoobaya dablaydii ka danbaysay weerarada.

Ciidamada dawlada ayaa dhawaan lagu eedeye inay ku guuldarysteen amaanka gobolka oo qabiilad ka soo duulay koonfurta Suudaan ay dad badan ku laayeen , halka xoolo iyo caruur badan ay kula tageen.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay.

 

LIYUU BOOLISKA DDSI OO OO DILAY 3 KA MID AH CIIDMADA PUNTLAND

Liyuu-Police1-1

JIGJIGA – Ciidanka gaarka ah ee ismaamulka Soomaalida, Liyuu boolis, ayaa dilay 3 ka mid ah ciidanka maamulka Puntland ee Soomaaliya. Warkan oo lagu faafiye qaar ka mid ah warbaahinta danaysa arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mashaqadu ka dhacady degmo ku taal soohdinta labada dal kala qaybiso oo lagu magaacabo Dundun.

is-hardiga oo dhacay shalay ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Xasan Abgaalow, oo dhagax-dhigay mashaariic dhawr ah oo laga fulinaye Dundun.Faahfaahin dheerad ah lagama bixin sababta sababta munaasbada dhagax-dhigo u noqotay qaraxa dagaalka.

Ciidamada gaarka ah ee DDSI oo ku sugan dhulka xuduudah ayey inta badan isku dhacaan maleeshiyaad hubaysan oo ka yimada dhanka Soomaaliya. Waxaa jira warbixino soo noqnoqday oo tilmaamaya in ciidanka gaarka ahi gabood-falyo ka geystaan dhulka soohdinta ah iyaga oo xiliyada qaarkood ka gudba xadka.

Waa markii ugu horeesay ee Liyuuga iyo ciidanka Puntalnd isku-dhacaan iyada oo hadda ka hor dagaalo ay galeen ciidanka gaarka ahi laga soo sheegay dhinaca maamulada Somaliland iyo Gal-mudug.

Warbixinta ayaa xusaty in dhaawacyadii labad dhinac loo kala qaaday Bookh iyo Gaalkacayo.

Wararkii ugu danbeeyey ee ka soo baxay goobta dagaalka ayaa sheegaya in xaaladu degan tahay maanta iyada masuuliyyin ka socda labada dhan ka xoojoonyaan sidii colaada loo qaboojin lahaa.

Ismaamulka Soomaalada ayaan aala si rasmi ah uga hadal hawlgalada ciidankooda gaarka ah oo aad dadweynuhu cabasho uga muujiyaan.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay

SARKAAL KAMID AHAAN JIRAY BOOLISKA ITOOBIYA OO EEDEYMO XOOG LEH U SOO JEEDIYEY DDSI

snrsmap

WASHINGTON – Laanta afka Xabashiga ee idaacada VOA-da ayaa wareysi dheer oo ku saabsan ismaamulka Soomaalida shalay sii deysay. Wareysiga oo laga qaaday shaalaqe Cali Samire Sigad ayaa aad u dheeraa islamarkaana taabtay gabood-falyo xoog leh oo sarkaalku ku nuuxnuusaday inay ka dhaceen DDSI. Waxaa aan halkan ku soo koobaynaa qaybihii ugu muhiimsanaa wareysiga. Hoosna waxaad ka dhageysan kartaa wareysigii oo dhamays-tiran.

Waa kuma shaalaqe Cali Sigad?
Cali waxa uu ku dhsahay islamarkaana ku barbaaray degmada Dirdhabe halkaas oo uu waxbarashadiisa ku qaatay. Waxaa kale oo waxbarasho sare  iyo tababar la xidhiidha booliska federaalka ah ee dalka uu ku qaatay Addis Ababa. Sigad ayaa muddo 11-sano ah ka soo shaqeeyey degmada Dirdhabe isaga oo xilal kala duwan ka qabtay booliska  federaalka ah. Waxa uu noqday madaxa hay’ada dambi-baadhista iyo taliyaha xarunta booliska ee Diridhabe.

Sidoo kale, sarkaalku waxa uu u shaqeeyey urur aan dawli ahayn oo lagu magacaabo ‘World Vision Ethiopia’ oo muddo 5 sano ah uu u qaabilsana dhanka amaanka. Cali ayaa tilmaamay in shantaas sano uu fursad u helay inuu ka shaqeeyo goobo DDSI oo ka baxsan gobolka Shiniile oo uu intii hore ku koobnaa. Sarkaalka ayaa hadda ku sugan mid ka mid ah wadamada dariska ah oo sababo la xidhiidha amaanka aan loo sheegi karin.

Gabood-falyo badan ayaa dhacay
Sarkaalka ayaa u sheegay idaacada VOA-da in uu goob-joog u ahaa tacadiyo dhanka xuquuqda aadanaha ah oo DDSI ka dhacay. Waxa uu tusaale u soo qaatay in dadka sabab la’aan la dilo, xabsiga la dhigo islamarkaana jidh-dil loo geysto. Sarkaalka ayaa xusay in uu markasta ka soo horjeeday dulmiga noocaas ah islamarkaana kala hadlay saraakiisha ka sareysay ee booliska federaalka ah. Waxa uu intaa ku daray, in isaga jeelka la dhigay muddo ku dhow hal sano isaga oo aan waxba galabsan.

Cali Sigad ayaa xusay in uu dalka ka soo cararay markii uu u adkeysan waayey dulmiga lagu hayo bulshada Soomaalida ah iyo markii naftiisu khatar gashay. Cali ayaa si gaar ah u taabtay sida uuna raaliga uga ahayn colaada Itoobiya dhax-dhigtay Soomaalida iyo Canfarta. Waxa uu sheegay in dad uu ku jiro ay soo bandhigeen in khilaafka dhanka dhulka ah, ee u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta,  si dhaqan ah loo xaliyo. Waxa la soo jeediyey in ugaaska beesha Ciise iyo suldaanka Canfartu hawsha dhaxgalaan.

Shalaaqe Sigad ayaa si gaar ah u eedeyey madaxweyne, Cabdi Maxamuud Cumar iyo ku-xigeenkiisa C/xakiim Cigaal oo ka soo jeeda soonka Shiniile. Labadan masuul ayuu ku sheegay inay fulinayaan hawsha EPRDF islamarkaana khatar u arkeen qorshihii sarkaalka iyo dadka la midka ahi ay xalka ku baadi-goobayeen.

Mar la weydiiyey sida uu ku ogaaday gabood-falyada uu sheegayo, waxaa uu ku jawaabay inuu sarkaal dawladeed ahaa oo siyaabo kala duwan uu xogta ku helay. Waxaa uu taxay dhowr goobood oo uu sheegay in dil wadareedyo ka dhaceen iyada oo halkaas ay ciidamada dawladu ku dileen boqolaal qof. Meelaha uu carabka ku dhuftay waxaa ka mid ah: agagaarka Baabile, degmada Qabridahare, Qabri-jeeraar, Wardheer iyo goobo badan oo gobolka Shiniile ah.

Dayuurado la adeegsaday
Shaalaqaha ayaa sheegay in dad ku dhaw 800,000 ay gobolka ka qaxaeen iyaga  oo ku sugan wadamada dariska ah; kumaakum qof ayaa sabab la’aan loo dilay; waxaa xabsiyada ku jira dad kor u dhaafay boqol kun. Waxaa kale oo uu tilmaamay in haweenka la kufsado.

Mar la weydiyey sababta tacadiga loo geystay, waxa uu ku jawaabay in dawladu sabab ka dhiganayso la dagaalanka ururka ONLF oo 2007-dii dagaal ku qaaday goob laga baadho shidaalka oo ku dhaw Cobolle oo ah tuulo ka tirsan degamada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar.

Cali sheegay inay khalad tahay in khayraadka dalka la baadho iyada oo aan lala tashan dadweynaha, waxa kale oo u xusay in dadka tacadiyada loo geystay ayna badankoodu wax shaqo ah ku lahayn jabhada ONLF.

Waxyaabaha yaabka leh ee sarkaalku sheegay waxaa ka mid ah in ciidamadu diyaarado u adeegsadeen laynta geel badan oo shacabka xoolo-dhaqatada ahi leeyihiin.

Sarkaalka ayaa xukuumada EPRDF ku eedeyey inay dalka ku xukunto siyaasada ah qaybi oo xukun. Waxaa uu tusaale u soo qaatay in dawladu ka shaqaynayso isku dhaca qoomiayadaha Oromada, Soomaalida, Canfarta iyo Axmaarada.

Sigad ayaa ku tilmaamay ciidanka gaarka ah ee Liyuuga cadowga bulshada Soomaalida. Waxaa kale oo u xusay in ciidankaas loo adeegsado si la isaga horkeeno Oromada iyo Soomaalida. Sarkaalka ayaa  tibaaxay in cutubyo ka mid ciidanka Liyuuga loo daadguriyey dhulka Axmaarada oo kacdoon ka jiro.

Masuulka ayaa ismaamulka Soomaalida ku tilmaamay xabsi weyn oo korka ka banaan, isaga oo si gaar ah jeel Ogaadeen ugu sheegay ‘jahanabo’ ama cadaab.

Waxa aan u baqaya qoyskayga
Shaalaqaha ayaa sheegay inuuna war u hayn xaalada qoyskiisa oo weli dalka ku nool islamarkaana uu aad ugu cabsanayo wareysigan dartiis. Waxa uu sheegay in dad badan loo ciqaabo waxyaabo ay rumaysan yihiin dad ehalkood ahi oo meelo kale ku nool. Waxaa u tusaale u soo qaatay in mudahaarad ka dhacay Australia loo qabqabtay dad wadanka gudahiisa ku sugan oo dibadbaxa aan waxba kala socon. Shaalaqe Cali ayaa VOA-da u sheegay dilkii injineer Faysal Cagjar oo uu xusay in gaadhi looga tuuray waxyaabo walaalkii Facebook-ga kaga hadlay. Faysal walaalkii ayaa dilka ku eedeyey masuuliyiinta ugu sareysa maamulka DDSI

Jawaabta Itoobiya
VOA-da ayaa sheegtay inay isku deyday inay wareysato masuuliyiin DDSI, balse ay ku guuleysan kari weyday. Waxa ay idaacadu xustay in xitaa madax ka tirsan booliska Dirdhabe ay taleefanka ku dhigeen markii ay ogaadeen inay yihiin VOA-da.

Idaacada ayaa nasiib u heshay inay eedeymaha DDSI loo soo jeediyey ka wareysato wasiirka warfaafinta ee Itoobiya- Lencho. Madaxa xidhiidhka ee Itoobiya ayaa si kooban u sheegay in xogaha uu hayaa tilmaamayaan in xaalada DDSI ka soo raynayso isaga oo tusaale u soo qaatay horumarka laga gaadhay dhanka biyaha. Waxaa kale oo uu sheegay in hadii wax dhibaato ahi jirto daraasad lagu samaynayo islamarkaana xal loo raadinayo. Lencho ayaa xusay inay dadweynuhu aad u ixtiraamaan dawlada gobolka.

Lencho ayaa ku guubaabiyey idaacada inay wararkeeda miisaanto oo fursad siiso dhinacyada kala duwan.

Waxaa sheegid mudan, in dad badan oo lid ku ah siyaasada DDSI ay fursad u helaan inay ka hadlaan warbaahinta xorta ah iyo ta mucaaradka ee loo jeediyo dadka ku dhaqan Itoobiya. Fursadaha warbaahinta ee kooxahan helaan ayaa culays ku noqon karta madaxda DDSI oo laga yaabo in xilligan ay ka baaran-dagayaan sidii looga gaashaman lahaa.

WARAYSIGII OO DHAMEYS-TIRAN HALKAN GUJI(RIIX)

F.G: Xuquuqda warbixinta waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay. Waxaa aan si gaar ah ugu mahad-naqayna qaar kamid ah akhristaayaashayad oo gacan ka geystay turjumaada waraysiga.

ISMAAMULKA SOOMAALIDA OO SHEEGAY IN DEEQ LA GAADHSIINAYO GOOBAHA ABAARUHU KA JIRAAN

droughttrucks

JIGJIGA – Haweeneyda madaxda ka ah xafiiska horumarinta xoolaha iyo reer guuraaga, Faadumo Takhal, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumada DDSI ugu deeqday dadka ay saamsay isbadalka cimiladu raashin iyo calafka xoolaha oo lagu daaboolay gaadiid gaadhaya 72.

Deeqda oo ka kooban 1000 kiintaal(Jawaan) oo raashin ah iyo 21 kun oo xidhmo calafka xoolaha ayaa loo dirayaa degmooyinka ay dadku ku tabaalaysan yihiin.

Warbixinta DDSI ayaa laga ilaaliye in lagu sheego kalmadda abaar oo ah xaalada hadda gobolku ku sugan yahay. Waxaa kale oo aan faahfaahin dheead ah laga bixin meelaha sida gaarka ah deeqda loogu diray maadama uu gobolku aad u balaadhan yahay.

Xoolo-dhaqatada iyo dadka reer guuraaga ah ayaa la rafaadsan abaaro ka dhsahay roobabkii gu’ga iyo deyrta oo aad u yaraa ama aan meelaha qaarkood ka hoorin. Guud ahaan DDSI ayaa laga dareemayaa biyo yaraan iyada oo dhulka daaqsinka ah ayna xooluhuhu wax calaf ah ka helayn. Waxaa jira xogo sheegaya in meelaha qaarkood dadku oon u dhinteen.

Dadweynaha tabaalaysan ayaa soo dhaweyn doona deeqda dawlada, hasayeeshe dadka la socda xaalada aadanimo ee gobolka ayaa sheegaya in deeqdu aad u yar tahay islamarkaana lala soo raagay.

Waxaa jira warbixino tilmaamaya in xaalada abaaraha ay sii adkeyeen canshuuraha laga qaado xoolo-dhaqatada, xayirada dhaqdhaqaaqa reer guuraaga iyo ascaarta cuntada oo cirka isku shareertay.

Waxaa jira dad ku eedeeya xukuumada DDSI in gargaar aan dadka la gaadhsiin xiligii muhiimka ah, balse warbixinta dawlada ayaa lagu xusay in gollaha wasiirada ansixiyeen miisaniyad dhan 45 miilyan oo biir si looga gaashanto abaaraha.

Ismaamulka Soomaalida ayaa caan ku ah masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, daadadka iyo fataahada wabiga. Waxaa kale oo intaa u dheer inay gobolka ragaadisii colaad u dhaxeysa ciidamada dawlada iyo jabhado ka soo horjeeda.

Waxaa sheegid mudan, in xukuumado ku faanto in loo jeedsaday dhinaca horumarka maadama wax weyn laga qabtay amaanka iyo masiibooyinka dabiiciga ah, balse waxaa adag in sheegashadaas si madax-banaan loo xaqiijiyo.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Soamlistate.com oo soo diyaarisay

 

MAAMULKA SOMALILAND OO KU QANCINYA ITOOBIYA ADEEGSIGA DEKADA BERBERA

berbera2

HARGEYSA – Wasiirka arrimaha dibada ee maamulka Somaliland, Sacad Shire, ayaa sheegay in muddo ka yar 2 sano ay Itoobiya si buuxda u addegsan karto dekada Berbera oo dhismo hadda ku socdo.

Wasiirka oo u waramaya saaxafada Itoobiya ayaa xusay in Jabuuti iyo Berbera ay masaafo isku mid ah u jiraan caasimada Itoobiya. Waxaa kale oo uu intaa ku daray, in wadada isku-xidha Addis Ababa iyo Berbera ay muhiim u tahay isticmaalka dekeda.

Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa dekada Berbera mar-mar adeegsada si ay uga soo dajiyaan gargaarka loogu talagay masiibooyinka dabiiciga ah ee abaaruhu ugu horeeyaan, laakiin dawlada Itoobiya ayaan si rasmi ah u adeegsan dekada oo maamulka Somaliland u ah xaruun dhaqaale ka soo galo.

Itoobiya ayaa 98% ku tiirsan dekada Jabuuti oo ay ka soo dajiso islamarkaana ka dhoofiso badaceedaha ganacsigeeda muhiimka u ah. Dalka ayaa ku tala-jira in uu kor u qaado adeegsiga dekadaha wadamada dariska ah, gaar ahaan kiiniya iyo Suudan oo aad uga deggan Soomaaliya.

Dadka adaroosa siyaasada Itoobiya ayaa tibaaxaya in sababta ugu weyn ee Itoobiya u daneyso dekadaha Soomaaliya ay tahay in laga ilaaliyo in kooxaha mucaaradka ah iyo jabhadaha ka soo horjeeda inay hub kala soo degaan, balse ayna ahayn mid ganacsi ama dhaqaale.

Maamulka Somaliland ayaa aad isugu dhabar-jabinaya in uu xukuumada Itoobiya ku qanciyo inay mowqifkeeda ku aadan Berbera wax ka badasho kadib marka dayac-tirka dekado dhamaado.

Inkastoo Itoobiya ayna aqoonsan maamulka Soamliland, haddana waxaa aan qarsoonayn in siyaasadeeda ku aadan Soomaaliya ay tahay in maamul kasta oo ka jira Soomaaliya si gaar ah ula dhaqanto si ay danaheeda gaarka ah u fushato.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com