DACWO KA DHAN AH SARAAKIIL CIIDAMADA AH IYO GANACSATO OO KA SOCOTA ITOOBIYA

melaku-fenta-1

ADDIS ABABA – Qareeno ka socda dawlada Itoobiya ayaa ku guda-jira sidii dalka lagu soo celin lahaa 7 qof oo isugu jirta saraakiil horey ciidanka uga tirsana iyo ganacsato kuwaas oo lagu tuhmayo in 5 milyan oo doolar ay musuqmaasuqeen. Eedeysanayaasha oo ku sugan Dubai ayaa lacag deyn ah oo loogu talagalay horumarinta dhul-beerd ku yaal ismaamulka Benishangul ka qaatay bangiga.

Sarakiisha iyo ganacsatada ayaa lacagtii ay deynta ku qaateen ku gatay guryo iyo dhul badan oo ku yaal caasimada Itoobiya, halkii ay lacagtu ku bixin lahaayen horumarinta beeraha.

Magaacda eedeysanayasha ayaa lagu sheegay Salle Egziabher Berhe, Hailu Nega, gaashaanle Aymero Gebrekirstos, gaashaanle kidu Ta’em, taliye-qaybeed Mulu Huluf, taliye-qaybeed Tirhas Gebreyohannes iyo jeneral Yohannes Alemseged.

Waa markii ugu horeysay oo sarakiil ka tirsanaan jiray TPLF lagu soo oogay dacwad ka dhan ah oo la xidhiidha musuqmaasuq.

Xeer-ilaaliyasha ku hawlan baadhista kiiska ayaa u yeedhay madixii hore ee xafiiska canshuuraha Itoobiya, Melaku Fenta, si uu makhraati uga noqdo dacwada loo haysto 7-da eedeysane. Melaku, oo u xidhan danbiyo la xidhaaha musuqa,  ayaa ka gaabsaday inuu wax ka sheego eedeysanaysha dalka ka baxay, balse waxa uu xusay in uu ku makhraati furi karo eedeysanayasha weli wadanka jooga. Maxakamada ayaa dad kale oo ka shaqeeya xafiiska canshuuraha iyo bangiga horumarinta u yeedhay si kiiska wax looga weydiiyo.

Docda kale, waxaa jira xogo uu soo bandhigay xafiiska sirdoonka Itoobiya oo muujinaya in lacag dhan 16 milyan oo doolar laga musuqmaasuqay xafiisyada dawlada ah iyo bangiga horumarinta ee wadanka. Baadhista ayaa la xusay inay lugta la gashay saraakiil ciidanka ah iyo madax sar-sare oo TPLF ah.

Sirdoonka Itoobiya ayaa si qarsoodi ah uga duubo codad iyo filmo madaxda dawlada, kuwa ismaamulada iyo saraakiisha ciidanak. Cadaymahan ayaa inta badan miiska hoostiisa la dhiga, balse waxaa boodhka laga afuufa marka la donayo inay dawladu ka takhalusto dad ayna ku qancsanayn aragtidooda.

Xukuumada EPRDF ayaa garwaaqsatay in uu dalka ragaadiye musuqmaasuq baahsan islamaraakana wax laga qaban doono, laakiin ballan-qaadka dawlada ayaa u muuqda mid aad gaabis u ah maadama baadhisto lugaha la galayso madax sarsare oo maamulka ka tirsan.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com