DAGAAL KA DHACAY ISMAAMULKA BENISHANGUL EE GALBEEDKA ITOOBIYA

benishangul

ADDIS ABABA – Jabhad ka dhaqdhaqaaqda gobolka Benishangul ee Itoobiya ayaa sheegtay inay dishay 8 askari oo ka mid ah ciidanka Itoobiya.

Nin u ololleya xuquuqda aadanaha shacabka Benishagulka, Halid Nasir, ayaa warbaahinta mucaaradka u sheegay in dagaal u dhaxeeya xoogaga jabhada iyo ciidamada dawlada uu gobolka ka jiro.

Nasar ayaa sheegay in dagaalku qarxay Khamiisti socdayna ilaa Jimcihii. Waxa uu intaa ku daray, in 12 qof loo xidhxdhay sabab la xidhiidha colaada islamarkaana loo qaaday dhanka caasimada gobolka ee Assosa. Nasir ayaa xaqiijiye in dad gaadhaya 1000 qof si aan xeerka waafaqsanayn loo qaqabtay.

Docda kale, gudoomiyaha Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Benishangul, Cabdullahi Saciid, ayaa sheegay in ugu yaraan 51 ciidamada dawlada ah  lagu dilay guluf maalmahan ka dhacay gobolka. Gudoomiyaha ayaa intaa raaciye, in dad shacab ahi iyaguna ku dhinteen dagaalka.

Gobolka Benishagul oo xad la leh dalka Suudan ayaa qani ku ah beeraha islamrkaana xaruun u ah goobta laga dhisayo biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya.

Sidoo kale, gobolka ayaa saldhig u ah ciidan aad u tiro badan oo loogu talagay difaacida biyo-xidheenka oo Itoobiya uga baqayso xoogag shisheeye.

Xukuumada EPRDF ayaa la daala-dhacaysa gacdoon shacab oo dalka ka jira iyo jabhado hubaysn oo ka dhaqdhaqaaqa gobolada qaarkood. Kacdoonka shacabka iyo dagaalada socda ayaa salka ku haya cabashooyin ay qabaan qoomiyadaha qaarkood oo rumeysan in dalka aan xuquuq simman lagu wada lahayn iyaga oo farta ku fiiqaya qoomiyada Tigreega.

Waxaa xusid mudan, in EPRDF sheegtay in lagu talaabsaday isbadalo dhawr ah islamarkaana lagu guda jiro kuwo kale, balse dadweynaha wadanka ayaa weli sugayo isbadal mug leh oo dalka oo dhan laga dareemo.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com