ITOOBIYA OO SHEEGTAY IN QAYBINTA RAASHINKA IYO BIYAHA LOO QOONDEYE DADKA ABAARTU KU DHACDAY AYNA HAWL FUDUD AHAYN

droughtfood

ADDIS ABABA – gudoomiyaha koomishinka ka hortga iyo maaraynta masiibooyinka, Mitiku Kassa, ayaa sheegay in qorshihii dawladu u dajisay hawlaha gargaarka uu si wanaagsan u socda.

Kassa ayaa dhanka kale qiray inay aad u adag tahay in raashin iyo biyo la gaadhsiiyo dadka xoolo-dhaqatada oo ku baahsan dhul baaxadiisu balaadhan tahay. Waxa uu sheegay in xukumadiisu ka baaran-degeyso hab kale oo loo gargaaro dadka reer guuraga ah.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in biyaha la tashiilayo islamarkaana la qodayo ceelal dhaadheer. Waxa uu intaa ku daray, in xoolo-dhaqatda lagu soo ururinayo meelaha biyaha iyo daaqa leh.

Dadka Soomaalida ah ee DDSI ayaa dhaqan ahaan xoolahooda ula guura marba meeshii ay ka heli karaan daaq iyo biyo iyada arrintaas aanay ahayn wax hadda la barayo.

Dawlada dhaxe iyo dawlad-goboleedyada ayaa lagu eedeye inay dhayalsadeen baaxada abaarta iyada oo gargaarku aad u yar yahay islamarkaana lala soo raagay.

Ismaamulka Soomaalida ayaa waxaa ku yar gaadiidka biyaha lagu dhaameyo taas oo keentay inay biyo la’aan u silcaan dad farabadan oo ku nool dhulka durugsan ee miyiga ah.

Inkastoo xukuumada DDSI iyo dawlada dhaxe maaliyn birr u qoondeeyen abaaraha, haddana waxaa muuqata in laga maarmi waaye taageerada qurba-joogta iyo ganacstada . Quraba-joogta ayaa si dadban ugu dira qaadhamo la isku ururiye oo dadka ay abaaruhu taabteen,  si biyo iyo baad loogu iibiyo.

Sidoo kale, xukuumada Jigjiga ayaa sheegtay inay gancstadau ku deeqday 32 miliyan oo birr inkastoo dadka qaar sheegayaan in ganacstada lagu xukumay lacago awoodooda ka baxsan.

Koomishinka ka-hortaga masiibooyinka ayaa xoolo-dhaqatada u soo jeediye inay xoolaha qaarkood iska iibiyaan ama la gawraco si loo keydsado. Kassa ayaa sheegay in hay’adaha dawliga ahi sida jaamacadaha  ay iibsadaan xoolaha.

Gudoomiyaha ayaa amaan u soo jeediye xoolo-dhaqatada Soomaalida oo uu sheegay inay xoolo badan gawracaan islamarkaana hilibkooda qalajiyeen si mustaqabalka loo adeegsado. Kassa ayaa ka hadlaya habaka Soomaalidu u sameyso muqmada isaga oo xoolo-dhaqatada kale ugu baaqay inay ku deydaan Soomaalida.

Itoobiya ayaa xustay in dalalka Sweden iyo Australia ay ku yabooheen lacag malaayin ah oo lagu kaalmeeyo dadka abaaraha ku tabaaloobay, balse weli loo baahan yahay kaalmo dheeraad ah.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com