MAXAA KA JIRA IN QAAR KA MID AH CIIDAMADA GAARKA EE DDSI AY ORAMADU LEYSAY?

liyuupolice

JIGJIGA – Warbaahinta taageerta mucaaradka Itoobiya ayaa baahisay xogo tilmaamaya in 20 ka mid ah ciidamada gaarka ah ee DDSI, Liyu booliska, lagu dilay dagaal ka dhacay Bombaas iyo Gursum oo Soomaalidu u taqaan Fayaanbiiro.

Sida lagu qeexay warbixinta,  dagaalka ayaa ahaa mid aargudasho ah oo salka ku haya colaado horey uga dhacay dhulka soohdinta ah ee labada maamul ee Oromada iyo Soomaalida kala qaybiya.

Oromada mucaaradka ah iyo kuwa taageera dawlada Itoobiya ayaa iskusii ugu eedeeya ciidanka Liyuga inay ku soo duleen maamulkaada halkaas oo ay ku dileen dad islamarkaana hanti ku boobeen.

Waxaa adag in wararka mucaaradka si madaxbanaan loo xaqiijiyo maadama xukuumada Itoobiya iyo ismaamulka Soomaalidu ayna wax warbixin ah ka soo saarin.

Wararka mucaaradka ayaa waxaa kale oo lagu tilmaamay in laba taliyaasha ciidanka gaarka ah lagu dilay dagaalka hasayeeshe wax faahfaahin lagama bixin goorta u dagaalku dhacay iyo khasaaraha Oromada soo gaadhay toona.

Waxaa xusid mudan, in madaxa xidhiidhka ee maamulka Oromiya, Addisu Arega, oo hadda ka hor sheegay in xubno dawlada fedaraalka ahi kaalin ku leeyhiin dagaalka ay wadaan ciidamada gaarka ah ee ismaamulka Soomaalidu.

Xogtan ayaa ku soo aaday dhoolatus weyn oo ciidamada Itoobiya shalay ku sameyeen caasimada DDSI, Jigjiga, kaas oo ay ka soo qaybgaleen madaxweynaha Itoobiya iyo masuuliyiin sarsare oo isugu jirta heer fedaraal iyo kilil.

F.G: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo ilo kla duwan ka soo diyaarisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com