Bogga Hore ku noqo
Somaliherald
CakaaraNews
Xaajo
Kilil5
Eegga
Ogaden-online
Ogadennet
Wabishabeele
Afdheer
Somaliwide
Ogadeninfo
Qorahay
Qabridaharre
Jigjiga-net
Dhanaan
Wardheernews
BBCSoomaali
VOASomali
Goldogob
Hiiraan
HornAfrik Online
Horseednet
Radio Daljir
Radio Garowe
Radio Midnimo
RamaasSoftware
Laascaanood
MasjidShaafici
Marka Caday
Mudug Online
Puntlandpost.com
SomaliCity
Somalilandnet
Somalinet
Somalitalk
Allpuntland
Somaliweyn
Wayaha.com

 

 

 

 

 
DEEGAANKA ISMAAMULKA SOMALIDU SHALAY IYO MAANTA MA IS-DHAAMAA
Posted to the Web Oct 17, 00:07

Jigjiga: Tan iyo intii ay curatay dimuqraadida cusub ee ka dhalatay dalkan Itoobiya, waxaa Degaankeena Soomaalida soo maray xukuumado iyo maamulo kala gadisan oo hadba wakhti soo jiray.


Hadaba, waxa la ogsoon yahay in dawladda deegaanka ee uu madaxwaynaha ka yahay Madaxwayne Daa'uud Maxamed Cali isla-markaana uu hoggaminayo Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida (XDSHS) iyo bulshada deegaanka oo isku-duubni, dadaal iyo dhaqdhaqaaqyo balaadhan ay ugu jiraan sidii ay iyaga oo bar-tilmaameed ka dhiganaya qaybaha kala duwan qaab nololeedkooda ay dib u dhaca uga saari lahaayeen, iyadoo la xallinayo dhibaatooyinka bulsho iyo dhaqan dhaqaaleba.


Sidaa aawadeed, waxay u dejiyaan qorshayaal xilliga gaaban, xilliga dhexe iyo xilliga dheerba lana raacayo isteraatiijiyad iyo siyaasado ku salaysan aasaaska nololeed ee qaybaha bulshada, haddana laguna hawlan yahay dhaqan gelintooda.


Sidaa aawadeed, waxaan isku soo uruurinay xogta baaxada Horumarinta ee haatan ka jirta Dawlad Degaanka Soomaalida. Xogtan oo qaarkood aanu ka soo minguurinay horumarka la gaadhay 10kii sanno ee u danbeeyay, balse waxaa isbadalada ugu badan la gaadhay saddexdii sanno ee u danbaysay ee Xukuumada XDSHS uu hogaaminayo ay isbadalada samaysay.


Adeega Waxbarashada


Waxaa jirta in aqoonyahano kor u dhaafaya 2,000 ay ka tobankii sanno ee aan soo dhaafnay ay ka soo qalin-jabiyeen Jaamacada Civil Service College. Aqoonyahanadaas oo badankoodu sooqaatay shahaadada Bachelor Degree, waxaa kale oo ka mid ah boqolaal ku qalin jabiyay Shahaadad Diplomaga, iyo kontomeeyo ku qalin jabiyay Shahaada Master Degree iyo Doctorate (Phd).


Aqoonyahanada ka soo baxay Jaamacada Ethiopian Civil Service College, waxay isugu jiraan culuunta Sharciga, Xisaabaadka, Dhaqaalaha, Maamulka, Maaraynta, Muhandisnimada iyo kuwo kale oo badan. Sidoo kale, waxaa jira aqoonyahano boqolaal kor u dhaafaya oo ka soo kala baxay Jaamacado kala gadisan oo isugu jira dalka gudahiisa iyo dibadiisa.


Xaga Kobcinta 5tii sanoo ee u danbeeya waxaa latababaray 2632 ruux dalka gudihiisa &  dibadaba. Dhinaca Adeega Waxbarashada waxaa Degaanka ka dhisan 450 Dugsi Hoose iyo 426 Dugsi Dhexe, taas oo coverage ama daboolida baahida waxbarashada ka dhigaysa 64.7%.


Degaanka Soomaalida wuxuu kaloo horumar ka sameeyay kor u qaadida ka qayb-galka waxbarashada ee dhinaca gabdhaha oo haatan gaadhay 45%.


Waxaa dhawaan la hirgaliyay 1,914 Dugsi oo Teendhooyin ah oo loogu talagalay in kor loogu qaado adeega Waxbarashada. Dugsiyadaa waxaa saddexdii bilood ee u danbeeyay dhisay qoysaska shacabka ah ee ku nool meelaha miyiga ah.


Sidoo kale, dedaalkii Dawlad Degaanka Soomaalida ee ahaa kor u qaadida 20% adeega waxbarashada ee Degaanka Soomaalidu waxaa uu soo saaray natiijo wax ku ool leh.


Sidaas oo kale, 138 Dugsi Hoose oo ay dhistay Dawlad Degaanka Soomaalida iyo 38 Dugsi Hoose oo lagu dhisay Deeq lacageed oo laga helay Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank ADB) ayaa bilaabay adeeg bixin. Dawlada Jabaan ayaa iyaduna laba Dugsi oo Boarding ka dhisay Jigjiga iyo Fiiq, halka 1 Dugsi oo Boarding ahna ay Dawlad Degaanka Soomaalida ka dhistay Magaalada Sheygoosh oo ay haatan ku bartaan arday qoysaskoodu sabool yahay.


Dhinaca Dugsiyada Sare waxaa hawl-gal bilaabay 10 Dugsi Sare oo Dawlad Degaanka Soomaalidu ay dhistay, saddex Dugsina waxaa kor-loogu qaaday inay bixiyaan waxbarashada Diyaargarowga.


Sidaas awgeed, waxaa Degaanka Soomaalida ka dhisan 31 Dugsi Sare iyo 8 Dugsiyada Diyaargarawga (Preparatory Schools) oo ah fasalada 11aad & 12aad. Dhinaca daboolida baahida dugsiyada sare ee Degaanka Soomaalida waxay haatan maraysaa 4.48%.


Dhinaca macalimiinta, 1,720 macalin ayaa haatan jaamacado kala gadisan ka qaaadanaya tababaro lagu kobcinayo tayada waxbarashada ee Degaanka Soomaalida. Sidoo kale, 507 macalimiin oo Diploma iyo Shahaado sare ayaa haatan la shaqaaleeyay.


Cel-celiska isku-beegnaan ee ardayda iyo buugta manhajka ee waxbarasho (student-text book ratio) ee Degaanka waxaa la gaadhsiiyay 1:2 oo dugsiyada hoose ah iyo 1:1 oo dugsiyada sare ah.


Degaanka Soomaalida waxaa ka jira hal Jaamacad (Jigjiga University), 4 Dugsiyada Farsamada Gacanta ah, Hal Machad oo Tababarka Macallimiinta, 2 Kuliyadood oo Cilmiga Caafimaadka.


Dhinaca Caafimaadka



53 Degmo ee Degaanka Soomaalidu ka kooban yahay waxaa ka jira daryeelayaal caafimaad oo tiradoodu dhan tahay 1300.



Waxaa ka jira 518 Rugo Caafimaad, 26 Xarun caafimaad, 6 Cusbitaal oo ka jira Magaalooyinka Waawayn ee kala ah Jigjiga, Dhagax-buur, Qabri-Dahar, Godey, Hargeele.


Adeega daryeelka cafimaadka ee xoolo dhaqatada (Pastoral Health Extention) waxaa ku hawlan labaatan koox cafimaad oo wareega (20 Mobile health Teams).


Daboolista Adeega  Caafimaadku waxaa la filayaa inuu sannadkan gaadho 74% (Potential health service coverage is expected to hit 74%). Magaalada jigjiga waxaa dhismihisu ka socdaa Cusbitaal Guud (Referral Hospital). Waxaa kaloo dhismahoodu socdaa 117 rugo caafimaad oo cusub.


Horumarinta Beeraha, Xoolaha Iyo Reer Miyiga


Dhinaca Adeega caafimaadka xoolaha, waxaa Degaanka Soomaalida laga hirgaliyay 256 rugood oo cafimaadka xoolaha (Livestock health Post), iyo 50 xarumood (clinics) oo bixiya adeega cafimaadka xoolaha.



 Tirada guud ee xirfadlayaasha ka qalinjabiyay kulliyadaha beeraha waxay dhan yihiin 897 arday.



Horumarinta Adeega Biyaha


Sida warbixinada ay sheegayaan, Adeega biyaha ee goobaha miyiga ee ka tirsan Degaanka wuxuu uu haatan dhan yahay 40% boqolkiba, halka xadiga haqab-tirka adeega biyaha ee magaalooyinka uu dhan yahay 79%.



Guud ahaan, waxaa Degaanka Soomaalida laga qoday 174 ceelasha dhaadheer ee riiga, 279 Ceelal gacmeedyo.


Waxaa biyo galin loo sameeyay magaaloyinka Dhagax-Buur, Qabri-Dahar iyo Godey, inkastoo uu Mashruuca biyo galinta magaalada Jigjiga uu wali socdo.


Dhinaca waraabka waxaa Wabiga Shabeele laga diyaariyay dhul dhan 27,000 oo hectar oo dhul beereed ah.


Adeega Isgaadhsiinta Telefoonnada



Deegaankeena guud ahaan 25 magaallo ayaa leh telefoonka caadiga ee guryaha, 13 magaalo ayaa leh teleefonada aan xadhiga lahayn, 7 magaallo ayaa leh telefoonada gacanta lagu qato,  54 magaalo ayaa leh xarumo adeeg telefoon.





Adeega Korontada


Degaankena 5 magaalo ayaa hella Adeega koroto 24 saacadod,  3 magaalo ayaa hella Adeega koronto 8 saacadod,  10 magaalo ayaa hella Adeega koronto 6 saacadod,  5 magaalo ayaa hella Adeega koronto 18 sacaadod.


Dhinaca tamarta, waxay Xukuumada Federaalka ay go'aamisay in Degmada Xamaro laga sameeyo Biyo Xidheen (Hydro Electric Power) oo dabka dhaliya oo loo adeegsado dhamaan degmooyinka gobolka Fiiq, taasoo hawsheeda haatan la bilaabay.


Adeega Jidadka


 Waxaa Degaanka Soomaalida saddxedii sanno ee u danbaysay laga fuliyay Mashaariic jidad laami ah oo ay ku baxday miisaaniyad gaadhaysa 20 Bilyan oo Birr. Mashaariicdaa oo ay ka mid yihiin:-



1) Mashruuca Wadada laamiga ah ee Jigjiga-Harar (105 km)
2) Mashruuca Wadada laamiga ah ee Jigjiga-Wajaale (69 km)
3) Mashruuca Wadada laamiga ah ee Jigjiga-Dhagax-Buur (165 km)
4) Mashruuca Wadada laamiga ah ee Dhagax-Buur-Sheygoosh (102 km)
5) Mashruuca Wadada laamiga ah ee Shegoosh-Qabri-Dahar (95 Km)
6) Mashruuca Wadada laamiga ah ee Qabri-Dahar-Dhanaan (93 Km)
7) Mashruuca Wadada laamiga ah ee Dhanaan-Godey (380 km).


Waxaa ilaa hada la dhamaystiray samaynta laami dhan 600 KM. Dhinaca wadooyinka aan laamiga ahayn, waxaa la bilaabay casriyaynta ama hagaajinta wadada isku xidha Baabili iyo Fiiq oo ahayd wado aad u xun, waxaa kaloo meel wanaagsan maraysa wadada Hargeele iyo Goday iyo wadada Filtu iyo Hargeele.


Dhamaan Waxaa mahadaa iska leh Xukuumada Daa'uud Maxamed Cali oo u guntatay sidii ay horumar taaba gal ah uga samayn lahayd Degaanka Soomaalida.



 



Xigasho ..... CakaaraNews

WARAR KALE
Sep 06 XUKUUMADA CUSUB EE DEEGAANKA SOMALIDA OO MAGACAWDEY WASIIRO IYO WASIIRO KU-XIGEENO
Sep 05 SHIRWEYNIHII SANADLAHA AHAA EE WAXBARASHADA DEEGAANKA SOMALIDA OO ARDEYDA LAGU GUDOONSIIYAY ABAAL-MARINO
Sep 04 MAGACAABIDA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA & XUBNO KALE OO MASUULIYIIN AH.
Sep 04 WAREYSI LALA YEESHAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE LOO DHAARIYAY ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA
Sep 03 XUBNAHA CABINET-KA DAWLADA CUSUB EE ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA OO LA ANSIXIYAY
 
ETHIOPIA: KING OF THE HORN (Aug 19, 18:01)
    ©2005 Somalistate.com  ®All rights reserved.       Designed by Somalistate