Jigjiga: Waxaa maanta Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska lagu qabtay munaasabad lagu saxeexayay heshiis keenis idaacada telefeshinka oo Degaanka Soomaalida leeyahay. Madaxa xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe & ergay matalaya Shirkada Fortune Enterprise oo wakiil ka ahayd shirkad laga leeyahay dalka Talyaaniga oo la yidhaahdo DB Electronica oo fadhigeedu yahay magaalada Palermo.
Mudane Guuleed Casoowe oo maalintii ugu haraysay ee uu la wareego xilka isla-markaana qalinka ku duugay heshiiskan oo u waramayay saxaafada ayaa sheegay in heshiiskan uu dhigayo in Shirkada Fortune Enterprise ay muddo laba bilood gudaheed ah ay ku keento kuna rakibto idaacada telefeshinka ee Degaanka Soomaalida taasoo lagu wado inay shaqada bilowdo muddo saddex bilood ka bacdi ah.
Sida heshiisku dhigayo waxaa keenista & rakibista idaacada telefeshinka ku baxaya lacag dhan 9 Milyan oo Birr, taasoo qayb ka ah dedaalka Xukuumada Degaanka Soomaalida ay ugu jirto haqab-tirka adeega saxaafada ee Degaanka Soomaalida.
Waxaa heshiiskan uu bar bilow u yahay sidii Degaanka Soomaalida u yeelan lahaa warbaahinta idaacadaTelefeshinka oo u gooni ah Degaanka isla markaana waxaa lagu tala jiraa in idaacad telefeshinka ay qayb wayn ka qaadan doonto dedaalka horumarka ee Degaanka Soomaalida ka socda.
Talaabadan oo ah talaabadii ugu horaysay ee uu madax Xafiiseedka cusub Mudane Guuleed Casoowe ku dhaqaaqo maalinkii ugu horaysay ee uu shaqada galay ayaa abuuraysa yididiilo san oo laga qabo in dib loo dhiso loona quweeyo doorka saxaafada ee Degaanka Soomaalida.
Sida wararku sheegayaan Madaxwaynaha degaanka Soomaalida Mudane Daa'uud Maxamed Cali ayaa ay ka go'an tahay in muddo billo gudaheed ah lagu aasaaso idaacada telefishinka, halka idaacada FMta Jigjiga hirgalinteeda ay ka hadhsan tahay muddo ka yar hal bil.
Madaxa Xafiiska Warfaafinta Mudane Guuleed Casoowe ayaa sheegay in marka la rakibo idaacada Telefeshinka ee Degaanka Soomaalida ay muddo saddex billood ah ku shaqaynayso inay gaadhsiiso saddexda Gobol ee Jigjiga, Fiiq, & Dhagax-Buur war-baahinta idaacada la iska arko.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in muddo gaaban lagu dhaqan galiyo war baahinta idaacada FMta Jigjiga oo iyadu haatan maraysa meel wanaagsan oo rajo wanaagsan laga qabo.
XIGASHO ........ CakaaraNews