ADDIS ABABA - Shirkad lagu magacaabo Tullow Oil oo fidhigeedu yahay magaalada London ee wadanka Ingiriiska ayaa lagu wadaa in ay shidaal ka baadho Ismaamulka Soomaalida kadib markii ay heshiis la gashay shirkad kale oo loogu yeeddho US Southwest Energy, taaso ruqsad hadda ka hor loo siiyey baadhista shidaalka gobolka.
Warkan oo laga soo xigtay wargays todobaadle ah oo lagu magaacabo Oil Industry ayaa tilmaamay in shirkada Tullow Oil ay shaqo shidaal sahamin ah ka bilaabi doonto dhulka Ogaden.
Shirkada Southwest Energy ayaa loo ogolaaday in ay sahamiso dhul bedkiisu dhan yahay 29,000 km oo laba jibaaran oo ku yaala qaybta Koonfur-bari ee Ismaamulka Soomaalida.
Dawlada Itoobiya ayaa rumaysan in dhul bedkiisu dhan yahay 350,000 km oo isku wareeg ah oo ku yaal gobolka Ogaden ay ku jiraan kaydka shidaalka gaaska ah oo aad u badan.
Ismaamulka Soomaalida ayaa dhulkiisu uu u eg yahay dhulka shidaalka qaniga ku ah ee wadamada Suudan, Yaman iyo Gacanka Carbeed.
Shaqooyinka sahaminta shidaalka iyo maalgalinta gobolka ayaa sidii lagu waday aad uga hooseeya iyadoo loo aanaynayo colaada dabada dheer ee u dhaxaysa ciidamada dawlada iyo jabhada ONLF oo ay Itoobiya ku tilmaanto urur argagixiso ah oo u adeega xukuumada Asmara.
Ururka ONLF ayaa dhawr jeer digniino u qaybiyey shirkladaha caalamiga ah ee ka shaqeeya shidaalka gobolka iyaga oo 2007-diina weeraray goob shidaal oo ku dhaw tuulda Cobolle oo ku taal waqooyiga magaalada Dhagaxbuur halkaas oo ay ku dhinteen dad isugu jira shacab iyo shaqaale shisheeye ah sida ay dawladu sheegtay.
dagaalkii Cobolle kadib, ciidamada dawlada dhaxe iyo kuwa Ismaamulka gobolka ayaa ku qaaday weeraro dhawr ah jabhada ONLF kuwaas oo keenay khasaare aad u ba'an oo soo gaadhay kooxaha is hardiyaya iyo dadka shacabka ahba.
Masuul qariyey magaciisa oo la soo xidhiidhay Somalistate.com ayaa ku tilmaamay talaabada ay shirkada Tullow Oil ku sahaminayso gobolka mid muujinaysa in nabadgalyada Ismaamulku aad u hagaagtay kadib markii la naafeeyey kooxda argagixisada ah, hadalkaas oo loola jeedo jabhada ONLF.
editor@somalistate.com