ADDIS ABABA - Gudiga doorashada dalka Itoobiya ayaa shalay baahiyey in diiwangalinta doorashadu maanta ka dhaqangali doonto dalka iyada oo la diyaariyey in ka badan 41,000 oo xarumaha codbixinta ah.
Dawlada ayaa dhawr jeer ku celcelisay in doorashadu si xor ah uga dhici doonto dalka bisha May 2010-ka balse mucaaridka ayaa arrintaa ku tilmaamay wax aan wax ka jirin iyaga oo sheegay in dawladu cabsi galiso taageerayaashooda.
Dhinaca kale, madaxa gudiga doorashada Tesfaye Mengesha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Itoobiya, ENA, in Ismaamulka Soomaalidu ka dambayn doono dalka intiisa kale. Gudoomiyuhu ma shaacin sababta uu gobolku uga dambayn dalka intiisa kale iyo goorta doorashadu ka dhici doonta Ismaamulka Soomaalida.
Doorashadii tan ka horaysay mudo hada laga joogo shan sano yaa iyaduna dalka intiisa kale ka danbeysay mudo sadex bilood ah, waxaana kuraasta dhamaantood ama intooda badanba ku guuleys-tay xisbiga tala haya ee Xisbiga dimuqraadiga shacabka soomaaliyeed, kaas oo illaa hada haya talada dalka.
Dawlada ayaa inta badan ku andacoota in maadama gobolku aad u balaadhan yahay islamarkaana ka jirto dib u dhac wayni, ay lagama maarmaan tahay in shaqaale badan iyo gaadiid kuwaas oo diyaar noqon doono marka dalka intiisa kale doorashadu ka dhacdo.
Waxaa xusid mudan in gobolka ay ka jirto colaad u dhaxaysa ciidamada dawlada iyo jabhada ONLF taas oo carqalad ku ah in doorashadu si habsami ah uga dhacdo qaybo ka mid ah Ismaamulka Soomaalida.
Masuuliyiinta Ismaamulka Soomaalida ayaa iyagu rumaysan in sanadkan doorashadu u dhici doonto si habsami ah iyaga oo sheegay in si wayn loo adkayn doono nabad galyada.
Editor@somalistate.com