MEKELLE - Dawlada Itoobiya ayaa ku amartay suxufi u shaqeeya TV-ga Bloomberg in uu dalkeeda kaga baxo muddo 48 saacadood gudahood ah.
Suxufiga Bloomberg oo lagu magaacabo Jason McLure ayaa lagu wargaliyay digniintan kama dambaysta ah kadib markii la ogaadey in uu booqday xafiiska ee magaalada Maqalle ku leeyihiin xisbiga mucaaridka ah ee loogu yeedho Arena Tigrai oo ay leeyiin dad Tigri ah oo ka soo horjeeda xukuumada Zenawi.
Warkan oo lagu faafiyey shabakada wararka ee Ethiomedia oo tageerta mucaaridka Itoobiya ayaan si madaxbanaan loo xaqiijin karin.
Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Arena Tigrai, Gebru Asrat, ayaa sheegay in suxufigu yimid magaalada Maqalle 6-dii bishan aan ku jirno iyada oo markiiba ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen.
Waxa uu Asrat sheegay, in u wariyuhu u yimid Maqalle si uu u cadeeyo warbixino sheegaya in dad u safray Addis ay bixiyeen warbixino la xidhidha ku tumashada xuquuqda aadanaha oo ay dawladu gaysatay. Asrat Ayaa intaa ku daray in dadka loo taxabay xabsigii makii ay ku soo noqdeen Maqalle oo ah xaruunta Ismaamulka Tigreega.
Wariyaha ayaa 3 maalmood xabsiga ku jiray kadibna lagu celiyey caasimada Addis Khamiistii ina soo dhaaftay iyada oo la filayo in uu dalka ka baxay.
Afhayeenka dawlada, Bereket Simon, ayaa shir jaraa'id ku sheegay in uuna ogayn wax wariye ah oo la qabtay ama lagu amray in uu dalka ka baxo.
Hogaamiyaha mucaaridka ee xisbiga Arena, Gebru Asrat, ayaa sheegay in sababta wariyaha loo masaafuriyey tahay; isaga oo jabiyey sharciga socdaalka ee dalka u yaal sida ay dawladu sheegayso. Haseyeeshe, Asrat ayaa ku tilmaamay arrintaas in aanay ahayn mid lagu qanco madaama Jason McLure oo haysto ruqsad oo wadanka kaga shaqeeyo.
Dawlada Itoobiya ayaa xakamaysa dhaqdhaqaaqa wariyayaasha shisheeyaha ah ee meelaha qaarkood u socdaala, iyaga oo lagu xidho in ay fasax gaar ah dalbadaan hadday tagayaan gobolada qaarkood.
Ismaamulka Tigreegu waa meesha ay ka soo jeedan masuuliyiin awood badan oo talada dalka haya. Waxaase jira khilaaf aan aad u waynayn u dhaxeeya xubno ka mid ah ururka TPLF oo dagaal dheer la soo galay xukuumadii kalitaliska ahayd ee Dhergiga.
Waxa uu gobolku kamid yahay meelaha ugu xasiloon dalka iyada oo aad looga hirgaliyey mashaariic horumarineed oo shacabka waxtar u leh.
Hay'adda wararka ee Bloomberg ayaa ila eega aan si rasmi ah u sheegin masaafurinta suxufigeeda. Sidookale, Bloomberg ma beenayn sheegashada mucaaridka ee ah in suxufiga lagu amray in uu dalka kaga baxo 48 saacadood.
editor@somalistate.com