Bogga Hore ku noqo
Somaliherald
CakaaraNews
Xaajo
Kilil5
Eegga
Ogaden-online
Ogadennet
Wabishabeele
Afdheer
Somaliwide
Ogadeninfo
Qorahay
Qabridaharre
Jigjiga-net
Dhanaan
Wardheernews
BBCSoomaali
VOASomali
Goldogob
Hiiraan
HornAfrik Online
Horseednet
Radio Daljir
Radio Garowe
Radio Midnimo
RamaasSoftware
Laascaanood
MasjidShaafici
Marka Caday
Mudug Online
Puntlandpost.com
SomaliCity
Somalilandnet
Somalinet
Somalitalk
Allpuntland
Somaliweyn
Wayaha.com

 

 

 

 

 
ITOOBIYA OO SHEEGTAY IN XUKUUMADA SOOMAALIYA QARKA U SAARAN TAHY IN KOOXAHA ALSHABAAB LA WAREEGAAN HADDII CAALAMKU UUNA JAWAAB KA BIXIN HANJABAADA ALSHABAAB
Posted to the Web Jan 11, 18:08

Muqdisho - Dowladda Itoobiya ayaa ka digtay in la dhayalsado hanjabaadda kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya ee ah in ay calanka Soomaaliya badali doonaan, islamarkaasina dalka oo idil la wareegi doonaan.


War laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, ayaa lagu sheegay in dowladda kmg ah ee Soomaaliya ay qarka u saaran tahay burbur. Warkaas ayaa intaas ku daray in haddii beesha caalamku aanay jawaab degdeg ah ka bixin hanjabaadaha Shabaab ay suura gal tahay in dowladda Soomaaliya la waayo.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Itoobiya ay ku eedeyneyso xoogeysiga kooxda Al Shabaab beesha caalamka oo aan isku meel uga soo jeesan arrinka Shabaab, haddii sidan lagu fiirsadana ay xaaladdu sii cakirmi kareyso.

"Shabaab waxay markii hore ku billowdeen si hoose haddana waa kuwa si xowli ah ku socda oo isku dayaya inay astaantii Soomaaliya badalaan, dalalka geeska Afrikana halis ku noqon karaya" ayaa lagu yiri warka arrimaha dibadda ka soo baxay.

Itoobiya ayaa ugu dambeyn sheegtay in ay cambaareyneyso weerarkii is qarxinta 3dii Diseembar dadka badan lagu laayay Muqdisho oo ay wasiiro, dhaqaatiir iyo arday qalan jabineysay ku jireen.

Itoobiya ayaa dhammaadkii sannadkii 2006 ciidamo xooggan u dirtay magaalada Muqdisho, xilligaas oo ay cagta marisay maamulkii maxaakiimta oo Shabaabku qeyb ka ahaayeen, laakiin waxay dib uga baxeen horaantii sannadkii 2009kii, ka dib shirkii dib u heshiisiinta Jabuuti oo lagu soo doortay madaxweyne Shariif oo hore hogaamiye ugu ahaa ururkii Maxaakiimta oo mar nabad ku soo dabaallay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo Muqdisho ay ku jirto.


Xigasho: wardheernews

WARAR KALE
Sep 06 XUKUUMADA CUSUB EE DEEGAANKA SOMALIDA OO MAGACAWDEY WASIIRO IYO WASIIRO KU-XIGEENO
Sep 05 SHIRWEYNIHII SANADLAHA AHAA EE WAXBARASHADA DEEGAANKA SOMALIDA OO ARDEYDA LAGU GUDOONSIIYAY ABAAL-MARINO
Sep 04 MAGACAABIDA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA & XUBNO KALE OO MASUULIYIIN AH.
Sep 04 WAREYSI LALA YEESHAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE LOO DHAARIYAY ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA
Sep 03 XUBNAHA CABINET-KA DAWLADA CUSUB EE ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA OO LA ANSIXIYAY
 
ETHIOPIA: KING OF THE HORN (Aug 19, 18:01)
    ©2005 Somalistate.com  ®All rights reserved.       Designed by Somalistate