ADDIS ABABA - Dawlada Itoobiya ayaa maanta sheegtay in la furay biyo-xidheen wayn oo awood u leh in uu soo saaro quwad koronto oo dhan 420 Mega Watt si wax looga qabto baahida koronto ee dalka.
Dhismaha biya-xidhka ayaa socday 5 sano iyada oo ay ku baxday lacag dhan 370 milyan oo Yuuro, sida ay sheegaty wakaalada xooga korontada dalku. Dawlada Talyaaniga ayaa 220 milyan oo ka mid ah lacgtaas ku deeqday.
Wasiirka arrimaha dibada ee Talyaaniga, Franco Frattini, ayaa ka qayb galay xafladii lagu furayey biyo-xidheenka. Shirka Talyaani ah oo lagu magaacabo Salini Costruttori ayaa horseed ka ahyd dhisada dhaamka maanta la ebyey.
Wasiirka macdanta iyo tamarta ee Itoobiya, Alemayehu Tegen, ayaa shaaciyey in wadankiisu u qoondeeyey lacag dhan $ 12 bilyan aan lagu hagaajiyo kartida dalka ee dhinaca tamarta ah muddo ah 25 sano.
Dalka ayaa waayadan dambe la tacaalayey koronto yari iyada oo aad loo tashilay korontada dalka. Shanti bilood ee la soo dhaafay ayaa magaalooyinka waawayn ee wadanka laydhka loogu shidayey habeen dhaaf.
Koronto yarida ka jirta dalka ayaa sababtay in warshado badan iridaha loo laabo iyada oo taasi keentay in ay hoos u dhacdo waxyaabaha dalku dhoofiyo oo laga heli lahaa lacag adag.
Waxa wali wadanka ka socda dhismaha 5 biyo xidheen oo kale iyada oo lagu wado in ay daboolaan baahida koronto ee dalka.
Dhanka kale, Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay u dhoofiso korontada dheeradka ah dalka dariska ah ee ay ka mid yihiin Suudaan, Jabuuti iyo kiiniya.
editor:@somalistate.com