Jigjiga: Waraysi aan la yeelanay mar an booqanay Maareyaha Kuliyada Farsamada Gacanta Mudane Xuseen Jibriil. isaga oo wax nooga sheegay tariikhda kuliyada iyo wax soo sarkeeda aqooneed, hadaba waxa uu noosheegay in la aas aasay sanadkii 1994 tirsiga Ec. marka xigana waxa uu noo faah faahiyay kuliyada ardayda ka qalin jabisay cududooda iyo heerkooda aqooneed intay dhan tahay waxa una ku sheegay sida tan:
1994 waxaa ka qalin jabisay arday dhan 312 arday oo ahayd Certificate 10+1&10+2 markay kasoo gudbaan imtixaan national ah qaar waxay galaan 11 ilaa 12 qaarna waxay galaan macadyada sida Cafimaadka Beeraha Tiknigada Tobabarka Macaliiminta Manejmantiga iyo kuwa kaloo badan oo shakhsiyo leeyihiin
1995 waxaa ka qalin jabisay arday dhan 311 arday
1996 waxaa ka qalin jabisay arday dhan 562 arday 162 gabdho iyo 400 wiilal
1997 waxaa ka qalin jabisay arday dhan 620 oo kala ah 179 gabdho intakalena wiilal
1998 waxaa ka qalin jabisay 766 arday 190gabdho intakalena wiilal
1999 wa markii ugu horaysay ee ay ku qalinjabiyeen shahaadada diploma waxayna dhanayeen 1004 arday 146 kamida waxay ahayeen qaybta cilmiga biyaha waxaana ugu deeqday Wasaarada Biyaha ee Bariga Itoobiya.
Waxaana ku soo xerooda arday ka kala yimid 3 deegaan sida, ismaamulka Diri Dhaba, kiliilka Herarida, iyo keenan Dawlad Degaanka Soomalida. isla markaana hada 2002 ay nagu wareejiyeen kililkan 5aad oo hada maal galiya iyagu
2000 waa ka qalin jabiyay 1313 arday oo diploma 377 dumar ah, inta kalena isugu jireen 10+1&10+2
2001 waxaa ka qalin jabiyay arday dhan 342 arday oo Diploma kaliya ah dhamaan jaamacada waxaa ka qalin jabiyay 9 sano arday dhan 5220 arday oo isugu jirta ( 3 department) 3 noocee ansoo sheegnay
Gabagabadi maareyuhu waxa uu nooshegay in macalimiin tayo leh, koliyada waxka dhigta, oo isgu jirta, ajanabi iyo dalka kuwa waxku bartay oo aqoon sare iyo khibradba uleh aqoonta ay barayaan ardayda. iyado an lagu dayn waxbarashada amabase aqoonta ay ku qateen koliyada, ayaa waxa ay ubaxaan aqoon kororsi si ay waxa ay koliyada ku barteen si xaqiiqo ah ugala qayb galaan goobaha isla aqoonta ay barteen la xidhiidha. sida bangiyada xarumaha warbaahinta TV iyo Talefoonada, quwada korontada, waxaha maraynta iyo maamulka, waxaha dhismuhu ka socdo,wakaalada biyaha. islamarkaana ay dawladu siinayso abal ama lacag ay qaadanayaan mudadaa 3 bilooda ee ay tobabarkaa qadanayaan, laguna kala qoro deegaanada aynu dariska la nahay iyo deegaankeenaba.
Markay soo dhamaystaan aqoonkorarsigaa kabacdiina si toosa loogu qoraa, xafiisyada uu aqoontooda u wato. iyo kuwo samaysta iskashato ku shaqaysata khibradooda oo ay xukumadu garab ka siinayso ganacsigan ay bilaabeen ardaydu. kana tix galinayso ganacsiyada kale, iyadoo siinaysa wixii qandaraas ah ee ay awoodi karayaan.isla markaana aqoontay soo barteen ku salaysan ayaa lasiinaya qandaras kasta, oo ay bixinayaan xafiisyada bixinaya waxwalbe qaybta kaga aadan ee ay aqoonta uleedahay iskaashatada aysamaysteen.waxaa kaloo waliba u dheer xafiisyada kabayaasha dhaqaale daymo ay siinayaan si uu kor ugu kacdo iskashatadu. ron ahaantiina babiisay shaqo la aantii dhalinyarada.
Maareyuhu gabagabadii Waxaa u yidhi koliyadu waxaa kale oo ay bixisaa tobabaro yar yar oo mudo gaaban lagu baro farsamada gacanta tasoo dabooshay dhalinyaradii badnayde bilaa camalka ka cabanaysay.rag iyo dumarba, korna uqaaday bilicdii magaaloyinka iyo horumarkaba
koliyada Caafimaadka waxaa la dhisay 1991 waxaana jaamacadaa dhisay shirkad Talyaaniya oo qandaraaska qaadatay, Dawlada Austareliyana waxay ka caawisay xaga elegtironiga. Isla markaana waxaa loogu talagalay inay kasoo baxaan kal-kaaleye Caafimaad oo dhan 48 arday oo ku qalin jabisay certificate.
Kuliyada waxaa sanadkii 1996 loo bvadalay inay bixiso shahaadada Diploma. hadana waxaan ku jirnaa sanadkii 6aad ee ay bixiso koliyadu heerka aqooned ee Diploma.
Hada waxaa ku xeraysan 714 arday oo hooy iyo cuntaba halkan dawladu ugu diyaarisay kuna xeraysan haatan. iyo 200 oo arday oo iyagu banaanka ka dhigta guud ahaan jamacada waxa ku jira 914 arday 20 arday oo shaqaale ah oo tobabar lagu siiyo. iyo 10 dumara oo xarshin iyo tuloyin kale laga keenay oo ku barta umuliso oo iyaguna ku xeraysan mudo 3 bilooda.
Guud ahaantood heerka aqoonta ay kuliyadu bixiso waa 2darajo oo kala ah Diploma iyo Certificate oo ka kooban amabase isugu jira (4department) 4 waxood. 500 oo arday waxa ay ku qalin jabisay Diploma. 2011 ardayna waxa ay ku qalin jabisay Certificate iyo 300 oo arday oo iyaguna usugu jira laba (department) waxood oo cafimaadka ah
Gabagabadii waxaa la sheegayaaa in Kuliyadu ay u baahan tahay laborer lagana caawiyo buugaagta la xidhiidha waaxyada kala duwan ee cafimaadka iyagoo dhawaan furay Maktabad ardayduna hada wax ku akhrisato dawooyinkana ku badhaan hadana ay isticmaalaan mudo dhan 3 sano ah. waxaana ku caawiyay Xafiiska Ka Hortaga & Xakamaynta HIV/AIDSka wuxuuna qadaa 250 ardaya oo ad ugu yar ardayda oo kabadan 750 arday. Maktabadaa waxaa yaala buug ka kooban 3 waaxood.
Hadana waxaa dadaal loogu jiraa sidii loo kordhin lahaa dhismaha kuliyada iyo heerka aqoontaba taasoo soo saari doonta dhakhaatiir daboosha baahida caafimaad ee ay bulshadu u baahantahay.
Source .... CakaaraNews