Wararka ka imanaya magaalada Dhagaxbuur yaa sheegaya in asbuucan gudihiisa magaalada iyo hareeraheeda lagu dilay tiro illaa sadex nin oo siyaabo kala duwan loo dilay.
Warka yaa intaas ku daraya in ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Liyuu boolisku ay shan nin oo shacab ah jeelka u taxaabeen. kadibna ay toogteen mid kamid ah ragaas, halka afartii nin ee kale loo qaadey jeel ku yaala xarunta deegaanka ee Jigjiga.
Nin ka tirsan booliiska caadiga ah ee deegaanka ee magaalada Dhagaxbuur yaa isna la sheegay in ay xabadi ku qaraxday, sida warku nagu soo gaadheyna uu isagu isku qarxiyay.
Dhanka kale, nin suufi ah oo lagu magacaabo Abufaas, yaa isna meydkiisa laga helay meel aan sidaas uga fogayn magaalada oo wadada ah. ninkaas oo xabad lagu dilay yaan illaa iyo hada la hubiin cida dishay, balse waxaa loo maleynayaa inay dilkan geysteen ciidamada federaalka ee fadhigoodu yahay aagga gagida diyaaradaha.
Sikastaba ha ahaatee, dadka yaa aad uga walwalsan dilalka noocan oo kale ah oo kusoo badanaya deegaanka Dhagaxbuur iyo guud ahaana gobolada jabhaduhu ka dhaqdhaqaaqaan.
Dhawr bilood kahor ayay jabhada ONLF dad shacab ah kala baxday guryahooda, kadibna ay meydkooda soo dhigeen wadooyinka ka baxa Dhagaxbuur.
Dhacdadan ugu danbeysay ooy si buuxda uga warhayaan maamulka Dhagaxbuur yaa ninka la dilay la sheegay inuu yahay cabdinur aw-maxamud xussen, kuwa jeelka loo taxaabayna uu kamid yahay deeq siciid oo ah sarkaal ka shaqeeya wasaarada caafimaadka. dadka yaa rajaynaya in dawladu ay sharciga horkeento shaqsiyaadkii falkan u geystay muwaadiniin aan wax danbi ah galin haba yaraatee.
editor@somalistate.com