ADDIS ABABA - Xukuumada Itoobiya ayaa maanta dhaleeceysay warbixin ay soo saartay hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha, HRW, oo ku eedesay dawlada in ay cadaadinayso kooxaha mucaaridka ah islamarkaana xakamaysay qaar ka mid ah ururada samafalka ee dalka ka shaqeeya xilli la rajaynayo in ay dalka ka dhacaan doorashooyin guud bisha May ee 2010-ka.
Warbixinta sanadlaha ee HRW ka soo saartay dalka ayaa lagu cadeeyey in ay dawladu xabisaga u taxaabtay hogaamiyaasha mucaaridka islamarkaana soo saartay xeer mamnuucaya ururada u dooda xuquuqda adaanaha badankooda.
Waxa HRW sheegtay, " in cadaadis xoog leh darteed aana la heli karin ururo mucaarid ah oo si wanaagsan u nidaamsan"
Waxay ay warbaxintu si gaar ah farta ugu fiiqdey xidhayga haweenayda mucaaridka madaxda u ah ee la yidhaahdo Birtukan Mideksa oo dawladu u taxaabtay xabsiga dhamaadkii 2009-ka.
Dhanka kale, afhayeenka dawlada, Shimeles Kemal, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in warbixinta HRW ay dawladu diidan tahay. Waxa uu Kemal yidhi, " warbixinta badankeedu waxa ay ku salaysan tahay been abuur laga soo xigtay ururka mucaaridka ah ee Medrek iyo jabhada ONLF"
Dawlada ayaa sheegtay in ayna jirin ururo la cadaadiyey balse waxa ay dawladu tibaaxday in ayna cidna sharciga ka sarayn. Hadalkaas oo loo fasiran karo in dadka mucaaridka ah ee la xidhay ay danbiyo galeen isla markaana dawlada dambiilayaal u yihiin.
HRW ayaa wadamada reer Galbeedka ku dhaliishay in ay indhaha ka daboosheen cadaadiska dawlada ee mucaaridka iyaga oo ilaalinaya mashariicda gar-gaarka ah ee malaayinta doolarka ah. Waxa ay hay'addu si toos ah u magac dhawday wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka oo labaduba xidhiidh dhaw la leh Itoobiya.
Itoobiya ayaa ka mid ah wadamada deeqaha ugu badan ka hela caalamka iyada oo lagu qiyaasay kaalmada wadanku uu helay kal hore $ 2 bilyan.
Safiirka Ingiriiska u jooga Addis, Normal Ling, ayaa sheegay in ay dawladiisu waxyaabo badan kala xaajooto dalka Itoobiya. Waxyaabaha ay dawlada Britain kala dooday dawlada Itoobiya waxaa ka mid ah, sida uu sheegay safiirku, siyaasadaynta raashinka kaalmada iyo taxaabida madaxa mucaaridka ee Birtukan Mideska.
Doorashada bisha May ayaa la rajaynaya in dawladu si dhib yar ugu guulaysato iyada oo ayna jirin mucaarid xoog leh marka laga reebo ururo yar-yar iyo shakhsiyo si madaxbanaan u tartamaya.
Dawlada Itoobiya ayaa aad ugu tiirsan kaalmada reer Galbeedka iyada oo lagama maarmaan tahay in ay dawladu raali galiso wadamada deeqda siiya, hasayeeshe, waxaa aad u cad in reer Galbeedku ayna wax cadaadis ah ku haynin Itoobiya iyaga oo dawlada ka doorta mucaaridka oo aad u kala daadsan islamarkaana aan lahayn siyaasad midaysan oo toos ah.
editor@somalistate.com