Bogga Hore ku noqo
Somaliherald
CakaaraNews
Xaajo
Kilil5
Eegga
Ogaden-online
Ogadennet
Wabishabeele
Afdheer
Somaliwide
Ogadeninfo
Qorahay
Qabridaharre
Jigjiga-net
Dhanaan
Wardheernews
BBCSoomaali
VOASomali
Goldogob
Hiiraan
HornAfrik Online
Horseednet
Radio Daljir
Radio Garowe
Radio Midnimo
RamaasSoftware
Laascaanood
MasjidShaafici
Marka Caday
Mudug Online
Puntlandpost.com
SomaliCity
Somalilandnet
Somalinet
Somalitalk
Allpuntland
Somaliweyn
Wayaha.com

 

 

 

 

 
XUSKA 12-AAD EE MAALINTA XOOLO-DHAQATADA DALKA ITOOBIYA, OO LAGU QABANAYO XARUNTA DDS EE JIGJIGA
Posted to the Web Jan 22, 23:05

MADAXWEYNAHA KILILKA 5-AAD, DA'UUD MAXAMED CALIJigjiga: Xuska 12-aad ee maalinta xoolo-dhaqatada dalka Itoobiya yaa sanadkan lagu qabanayaa xarunta deegaanka Somalida ee Jigjiga.


 madaxweynaha deegaanka ismaamulka Somalida. Da'ud maxamed cali,  oo maanta ka hadlayay xuskan  yaa sheegay in maalintani ay qiimo weyn u leedahay xoolo-dhaqatada.


Da'uud yaa sheegay in bulshada deegaanka Soomalidu u badan yihiin xoolo-dhaqato waliba reer-guuraa ah, nasiibna u yeesheen in xafladan heer qaran ah lagu qabto deegaankeena, kana soo qayb gali doonaan masuuliyiin ka socda heer federaal iyo dhamaan maamulada afarta deegaan ee xoolo-dhaqatada ah, kuwaas oo kala ah:-
- Deegaanka Somalida
- Deegaanka Canfarta
- Deegaanka
 Oromada &
- Deegaanka Gambeelada


Qabanqaabada maalintan yaa loo xil saaray gudi si gaar ah ka shaqeeya u diyaargarowga iyo hirgalinta maalintan weyn. Maalmahan yaa waxaad magaalada si weyn uga dareemaysaa dhaqdhaqaaqyo isugu jira nadiifin iyo sugida amniga guud ee magaaalo madaxda.


Xuska maalinta xoolo-dhaqatada yaa ku beegan 25-01-2010, oo ah maalinta isniinta.


Madaxweynaha yaa intaa ku daray,  in ay dawladu hirgalisay sameynta iyo dayactirka 340 ceel-biyeed, kuwaas ooy kamid yihiin degmooyinka Hargeele iyo Filtu oo hada hela biyo nadiif ah. Guud ahaan kharashka ku baxay ceelashaas yaa dhan 360 milyan oo birr.


Hirgalinta helid biyo nadiif ah oo markii hore ahaa 33% yaa hada la gaadhsiiyay 44%, inkasta ooy dawlada deegaanku dadaashay hadana wali fari kama qodna oo helitaanka biyaha nadiifta ahi wali kala-badh magaadhin.


Dhanka kale,  madaxweynaha deegaanka yaa sheegay in kor loo qaadey daboolida baahida waxbarasho ee deegaanka, gaar ahaan tan caruurta. diiwaan galinta gabdhaha(hablaha) yaa iyadu sare u kacdey 70%, halka ay markii hore ka ahayd 29% taas oo faraq weyni u dhaxeeyo.


Ugu danbeyntiina,  Da'uud yaa hadalkiisii kusoo gabgabeeyey in waxbarashada hoose laga hirgaliyay dhamaan tuulooyinka uu deegaanku ka kooban  yahay iyada oo loo danaynayo xoolo-dhaqatada, taasna waxaa sii dheer in la sameeyay xarumaha waxbarashada guur-guurta oo loogu talo galay inay xoolo-dhaqatadu ka faa'iideysato.


editor@somalistate.com



 

WARAR KALE
Sep 06 XUKUUMADA CUSUB EE DEEGAANKA SOMALIDA OO MAGACAWDEY WASIIRO IYO WASIIRO KU-XIGEENO
Sep 05 SHIRWEYNIHII SANADLAHA AHAA EE WAXBARASHADA DEEGAANKA SOMALIDA OO ARDEYDA LAGU GUDOONSIIYAY ABAAL-MARINO
Sep 04 MAGACAABIDA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA & XUBNO KALE OO MASUULIYIIN AH.
Sep 04 WAREYSI LALA YEESHAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE LOO DHAARIYAY ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA
Sep 03 XUBNAHA CABINET-KA DAWLADA CUSUB EE ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA OO LA ANSIXIYAY
 
ETHIOPIA: KING OF THE HORN (Aug 19, 18:01)
    ©2005 Somalistate.com  ®All rights reserved.       Designed by Somalistate