Bogga Hore ku noqo
Somaliherald
CakaaraNews
Xaajo
Kilil5
Eegga
Ogaden-online
Ogadennet
Wabishabeele
Afdheer
Somaliwide
Ogadeninfo
Qorahay
Qabridaharre
Jigjiga-net
Dhanaan
Wardheernews
BBCSoomaali
VOASomali
Goldogob
Hiiraan
HornAfrik Online
Horseednet
Radio Daljir
Radio Garowe
Radio Midnimo
RamaasSoftware
Laascaanood
MasjidShaafici
Marka Caday
Mudug Online
Puntlandpost.com
SomaliCity
Somalilandnet
Somalinet
Somalitalk
Allpuntland
Somaliweyn
Wayaha.com

 

 

 

 

 
XUSKII 12-AAD EE XOOLO-DHAQATADA DALKA ITOOBIYA OO MAANTA SI WEYN LOOGA DABAAL-DEGAY XARUNTA DDS EE JIGJIGA
Posted to the Web Jan 25, 13:54

Jigjiga:- Waxaa maanta si qurux badan magaalada Jigjiga looga xusay Xuska 12aad ee Maalinta Xoolo Dhaqatada Itoobiya. Xuskan oo ay ka soo qayb galeen madaxda ugu saraysa dalka oo uu hor kacayo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Males Zenawi, Madaxwaynaha dalka Itoobiya Mudane Girma Wolde Giorghis.


waxaa ka mid ahaa Ku xigeeenka Ra'iisul Wasaaraha Mudane Addisu Lagese, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Federaalka Dr Shiferaw, La Taliyaha Ra'iisul Wasaaraha Mudane Abay Sahaye, iyo madax-waynayaasha sagaalka Dawlad Degaan ee Itoobiya, Wakiilada Hay'adaha Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Itoobiya & safiiro dalalka Dibada u fadhiya Itoobiya.

Xuskan oo uu furay Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Daa'uud Maxamed Cali waxaa uu ka waramay sida xukuumada haatan ka jirta Degaanka Soomaalida ee uu hogaaminayo Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida uu ugu han wayn yahay inuu isbadal la taaban karo ka sameeyo wanaajinta qaab nololeedka xoolo dhaqatada degaanka ku nool.


Waxaa kale oo Madaxwaynuhu ka waramay isbadalka horumarineed ee haatan laga sameeyay daboolida ama haqab tirka baahida adeegeed ee shacabka xoolo dhaqatadu u baahan yihiin.


Waxaa uu madaxwaynuhu sheegay in isku celcelis ay 70% dabooleen baahida ay shacabku u qabeen marka la isku wada daro baahida adeegyada aasaasiga ah ee ay ka mid ka yihiin caafimaadka, waxbarashada, beeraha & biyaha.

Inta ay xafladu socotay waxaa bandhigyo ciyaaro kala duwan ah soo bandhigayay kooxaha fanka & ciyaaraha ee ka jira Dawlad Degaanka Soomaalida oo tiradoodu ka badan tahay 20 kooxood. Waxaa kale oo iyaguna ciyaaro dhaqameed soo bandhigay kooxaha ciyaaro oo ka kala socday Degaamada Canfarta, Orromada, Shucuubta Koonfureed & Gambela. 

Sidaas oo kale ayaa caruurta & dhalinyarada magaalada Jigjiga ayaa iyaguna waxay goobtii xuska ku soo bandhigeen mahrajaan sawiro oo ay marba ku muujinayeen qoraalo iyo sawiro dadka aad uga yaabiyay. Kooxaha da'yarta ee circuska ayaa iyaguna waxay garoonka badhtankiisa ku sameenayeen shagaaro & xardhin hadba ku qorayaan qoraalo & halku dhigyo muujinya xuska xoolo-dhaqatada.

Intii uu barnaamijku socday waxaa daawadayaasha si joogto ah loo soo hor marinayay xoolo ay dhabarkooda ku qoran yihiin halkudhigyo ay xoolo-dhaqatada ku muujinayaan baahida ay u qabaan daryeelka xanaanada xoolaha iyo sidii xoolaha loogu samayn lahaa suuqyo ganacsi oo ay dibada ugu dhoofsadaan. 


Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Males Zenawi oo ka hadlay madashaa ayaa aad ugu mahad celiyay guud ahaan Degaanka Soomaalida gaar ahaan guddigii soo qaban qaabiyay bandhiga xuska maalinta xoolo-dhaqatada. Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in horumar aad u balaadhan uu ka jiro bulshada xoolo-dhaqatada ah. Wuxuu xusay sida horumarka baaxada leh uu ugu dhex faafay bulshada xoolo-dhaqatada.


Sidoo kale, waxaa madasha ka hadlay Wasiirka Arrimaha Federaalka Dr Shiferaw Tekle Mariam oo isna sheegay in isbadalka xoolo-dhaqatada laga garan karo dedaalka ay sameeyeen Degaanka Soomaalida.


Dhinaca kale, waxaa ra''iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Malez Zenawi uu abaal marin gudoonsiiyay in ka badan 200 oo qof oo xoolo dhaqato ah oo laga kala keenay dhamaan degaanada xoolo-dhaqatada ah ee kala ah Degaanka Soomaalida, Canfarta, Orromada, & Shucuubta Koonfureed.




Inkastoo uu wali socdo xuskii & damaashaadkii maalinta xoolo-dhaqatada, waxaa galinka danbe ee maanta dadka isugu yimid oo tiradoodu ka badan tahay 3,000 oo qof lagu madadaalinayaa heeso live ah oo ay soo bandhigayaan fanaaniin aad u badan oo laga kala keenay dhamaan Itoobiya oo aad caan u ah oo ay ka mid yihiin Fanaanada Amalmaal Abaate, fanaaka Goosaaye iyo qaar kaloo badan.


 



Source......  SRSINFO

WARAR KALE
Sep 06 XUKUUMADA CUSUB EE DEEGAANKA SOMALIDA OO MAGACAWDEY WASIIRO IYO WASIIRO KU-XIGEENO
Sep 05 SHIRWEYNIHII SANADLAHA AHAA EE WAXBARASHADA DEEGAANKA SOMALIDA OO ARDEYDA LAGU GUDOONSIIYAY ABAAL-MARINO
Sep 04 MAGACAABIDA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA & XUBNO KALE OO MASUULIYIIN AH.
Sep 04 WAREYSI LALA YEESHAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE LOO DHAARIYAY ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA
Sep 03 XUBNAHA CABINET-KA DAWLADA CUSUB EE ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA OO LA ANSIXIYAY
 
ETHIOPIA: KING OF THE HORN (Aug 19, 18:01)
    ©2005 Somalistate.com  ®All rights reserved.       Designed by Somalistate