Bogga Hore ku noqo
Somaliherald
CakaaraNews
Xaajo
Kilil5
Eegga
Ogaden-online
Ogadennet
Wabishabeele
Afdheer
Somaliwide
Ogadeninfo
Qorahay
Qabridaharre
Jigjiga-net
Dhanaan
Wardheernews
BBCSoomaali
VOASomali
Goldogob
Hiiraan
HornAfrik Online
Horseednet
Radio Daljir
Radio Garowe
Radio Midnimo
RamaasSoftware
Laascaanood
MasjidShaafici
Marka Caday
Mudug Online
Puntlandpost.com
SomaliCity
Somalilandnet
Somalinet
Somalitalk
Allpuntland
Somaliweyn
Wayaha.com

 

 

 

 

 
DHISMAHA DUGSIGA SARE EE DEGMADA SHILAABO, EE GOBOLKA QORAHAY OO LA DHAMAYS-TIRAY
Posted to the Web Jan 29, 23:51

Jigjiga:- wariye  ka tirsan Degaanka kuwa ugu caansan ee ku xeel dheer warbaahinta Degeenka ayaa noshegay in Dugsigan  sare ee Degmada Shilaabo oo ay dhismihiisa ku baxaday miisaaniyada ka badan 10.4Millyan oo Birr,  ayaa waxaa si rasmi ah xadhiga uga jaray si wada jir ah Maamulka Degmada Shilaabo oo uu horkacayo Gudoomye ku xigeenka Degmada Shilaabo Mudane Tube Dubad Mire kaas oo munaasabadan furitaanka ka sheegay inay Xukuumada Maanta  ka jawaabtay baahidii ay degmadu u qabtay Waxbarashada dusiga sare oo sanadihii la soo dhaafay loo tagi jiray Gobolada kale ee deegaanka,

Sidaa daraadeedna Bulshada looga baahan yahay inay la yimaadaan dareen la haansho oo ay kaga qayb qaadayaan ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga dusigan,


Sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Degmada Shilaabo  oo ka mid yihiin M/Xafiiska Waxbarashada Degmada, Afhayeenka Golaha Baraalamaanka Degmada, M/ Xafiiska Xisbiga D.SH.Soomaalida  Ee Degmada  oo Xafladani ka hadlay  ayaa Bulshada ku dhiiri galiyay inay xoojiyaan ka qayb galkooda dhinaca hawlaha horumarka iyo Maamulka suuban ee ka socda Degmada,Isla markaa ay ka hortagaan hadhaaga Nabaddiidka faro ku tirska ah ee  ku dhuumaaleeysanaya goobaha fog fog  ee miyiga ah, kuwaas oo ka soo hor jeeda horumarka loo  fidinayo Bulshada.    


Dugsigan  oo sanadkii  la soo dhaafy   ay wax ku baranayeen arday gaadhaysa  400 oo arday, ayaa  si rasmi ah looga la wareegay shirkada dhismaha ee  Botor oo  labdii sano ee ugu danbeeyay dhismahaasi gacanta  ku haysay, wuxuuna  dugsigan ku fadhiyaa dhul gaadhay 60kun  oo kaaramitir, kaas oo ka kooban 14 bilook  oo ay ka mid yihiin fasalada waxbarashda oo dhan  12 qol,  laba reer, shaybaadhyo dhawr ah oo isugu  jira chimistar, physics  & Biology , qaybta  maamulka, dayrka dugsi & qaybo kale oo badan.


Xafladani  furitaanka dugsiga oo ay ka soo qayb  galeeb  dadwayne aad u tiro badan  oo isugu jira qaybaha  kala duwan ee bulshada  ayaa codsaday  in dugsigani loo dhamaystiro  wixii  qalab ah ee uu u baahan yahay.


Wargayska  DHAMBAAL  oo la xiidhiidhay  M/  xafiiska waxbarashada DDS mudane  cabdi raxmaan  sh  maxamed  ayaa  wax ka waydiiyay dugsiga  sare ee degmada  shilaabo iyo qalabayntiisa,  wuxuuna masuulku cadeeyay in dhamaan  qalabka waxbarasho ee  ay ka mid ka yihiin  kuraasta, miisaaska, computarada  sabuuradaha  iyo  buugaagta  curriculum waxbarashadaba  loo  diyaariyay dugsigaasi, islamarkaana la gaadhsiin doono wakhti dhaw.


Hadaba  mar u wargayska dhambaal wax ka waydiiyay  dareenkooda  ardayda  wax ka  baranaysa  Dugsigan   & qaar ka mid ah  dadwaynaha  ka soo  qayb galay  xafladani  ayaa cadeeyay  sida ay ugu  faraxsan  yihiin  inay degmada shilaabo yeelato dugsi sare oo ay si sahlan  ubadkoodu wax ugu bartaan,  halka xiliyadii  loo soo dhaafay ardayda qaarkood waxbarasdha  dugsiga sare u tagi  jireen  meelo   kale,  qaarka kalana  ay waxbarashadooda uga hadhi  jireen  dhaqale la’aan  awgeed.  waxayna  tilmaaneen  sida ay uga  go’antahay  bulshada degmada shilaabo inay  ka hortago  doonaan kuwa carqalada  ku ah  horumarka iyo xasilooda bulshada.


Degmada shilaabo waxay ka mid tahay  degmooyinka ka faa’iidaysta  hoos u dhaadhicinta  maamulka suuban  waxayna  degmadan  leedahay adeegyada caafimaadka  waxbarashada  biyaha, xooga korontada.  Telefoonada   casriga  ah waxayana  degmadani  abaal marain  ku heshay  dugsigan  sare  ka dib  markii ay isbadal  ka muujisay la dagaalanka nabdiidka sanadihii la soo dhaafay ,waxayna degmadani  hodan  ku tahay  xoolaha  nool iyo gaaska dabiiciga ahi.


 


 


Source ...... Cakaaranews

WARAR KALE
Sep 06 XUKUUMADA CUSUB EE DEEGAANKA SOMALIDA OO MAGACAWDEY WASIIRO IYO WASIIRO KU-XIGEENO
Sep 05 SHIRWEYNIHII SANADLAHA AHAA EE WAXBARASHADA DEEGAANKA SOMALIDA OO ARDEYDA LAGU GUDOONSIIYAY ABAAL-MARINO
Sep 04 MAGACAABIDA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA & XUBNO KALE OO MASUULIYIIN AH.
Sep 04 WAREYSI LALA YEESHAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE LOO DHAARIYAY ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA
Sep 03 XUBNAHA CABINET-KA DAWLADA CUSUB EE ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA OO LA ANSIXIYAY
 
ETHIOPIA: KING OF THE HORN (Aug 19, 18:01)
    ©2005 Somalistate.com  ®All rights reserved.       Designed by Somalistate