ADDIS ABABA - Xukuumada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in dad kor u dhaafay 5 milyan oo dadkeeda ahi ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah sidaa daredeedna ka dalabtay beesha caalamka in loo soo gurmado.
Waxa ay dawladu ka codsatay dalalka deeqda bixiya, raashin gaadhaya 642, 983 metric ton si loo quudiyo dadka ay ku habsatay cunto yaraanta ka dhalatay abaaraha iyo faqriga ay la tacaalayaan dadka saboolka ahi.
Dwalada Itoobiya ayaa aad ula raagta codsiyada ay u jeediso wadamada kaalmada bixiya iyada oo intabadan uu khilaaf ka dhasho tirada u baahan gargaarka ay soo saaraan hay'ada samafalka ahi. Waxaa la soo warinaya in qayb ka mid ah gargaarka ay Itoobiya u baahan tahay u horey u soo gaadhay dalka.
Gargaarka badankiisa ayaa loo dalbay gobolka Ismaamulka Soomaalida oo ay ku tabaalaysan yihiin tiro badan oo ay abaaruhu naafeeyeen. Waxaa xusid mudan, in ay gobolka ka jirto colaad u dhaxaysa ciidamada dawlada iyo jabhada ONLF taaso caqabad ku ah habsami u socodka shaqada samafalka iyo hawlaha aadanimo ee shacabku u aadka ugu baahan yihiin.
Dadka u baahan raashinka kaalmada ah ayaa aad u kordhay sanadkii la soo dhaafay iyada oo lagu qiyaasay in ka badan 6 milyan in ay u baahan yihiin quudin joogto ah.
editor@somalistate.com