Bogga Hore ku noqo
Somaliherald
CakaaraNews
Xaajo
Kilil5
Eegga
Ogaden-online
Ogadennet
Wabishabeele
Afdheer
Somaliwide
Ogadeninfo
Qorahay
Qabridaharre
Jigjiga-net
Dhanaan
Wardheernews
BBCSoomaali
VOASomali
Goldogob
Hiiraan
HornAfrik Online
Horseednet
Radio Daljir
Radio Garowe
Radio Midnimo
RamaasSoftware
Laascaanood
MasjidShaafici
Marka Caday
Mudug Online
Puntlandpost.com
SomaliCity
Somalilandnet
Somalinet
Somalitalk
Allpuntland
Somaliweyn
Wayaha.com

 

 

 

 

 
XARUNTA ITOOBIYA EE ADDIS-ABABA OO LAGU QABTAY CARWO LAGU SOO BANDHIGAY CUNTADA DHAQANKA SOMALIDA
Posted to the Web Feb 05, 13:17

Addis Ababa: Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa maalintii shalay caasimada Addis Ababa ku qabtay carwo lagu soo bandhigay cuntada dhaqanka Soomaalida ee shuurada (soorta), garawga, caanaha geella, & alaabta dhaqanka ee cuntada lagu cuno.


Bandhigan oo loogu qado sameeyay dad dhan 300 oo qof oo isugu jira masuulo, ambaasadaro & cuqaal ka kala yimid dalka gudahiisa & dibadiisa.


Waxaa bandhigaa ka soo qayb galay wasiiro badan oo uu hor kacayay Wasiirka Dhaqanka & Dalxiiska ee dawlada Federaalka Itoobiya Mudane Maxamuud Dirir.


Bandhigan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah waxaa qaban qaabiyay Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo la kaashaday Hay'ada lagu magacaabo Ethiopian Indigenous Questions & Wasaarada Dhaqanka & Dalxiiska ee dawlada Federaalka.


Waxaa bandhigan lagu qabtay banaanka wayn ee ka soo hor jeeda madasha ama hoolka shirarka ee Sidhist Kilo ee waqooyiga Caasimada Addis Ababa.


Sida uu sheegay Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Degaanka Soomaalida Mudane Guuleed Casoowe, waxaa bandhigan looga gol lahaa sidii cuntada dhaqanka bulshada Soomaaalida loo bari lahaa loona gaadhsiin lahaa dal waynaha Itoobiya iyo caalamka intiisa kale.


Waxaa uu madaxa Xafiisku sheegay in "Cuntada dhaqanka ee Soomaalida ay leedahay muhiimado caafimaad oo ay ka mid yihiin inay ku yar tahay duxda aasaasska u ah korodhka 'cholesterolka', iyo in ay cuntadani diyaarinteeda ayna wax saamayn taban ah ku lahayn bii'ada ama degaanka".


Carwadan Cuntada oo si aad u wanaagsan loo soo agaasimay waxaa lagu cunayay dhulka oo lagu goglay haraar iyo alool astaanta u ah dhaqanka Soomaalida. Sida ay noo sheegtay Sofiya Ismaaciil Nuur oo ahayd isku dubaridaha carwadan"Waxaa carwadan la odhan karaa waa bandhigii ugu horeeyay ee aan ku kobcinayno cuntada hidaha Soomaalida". Waxay Marwo Sofiya Ismaaciil noo sheegtay inay carwadan ku soo bandhigeen agabka dhaqanka Soomaalida oo aad u fara badan. "Waxaana soo abaabulnay agab dhan 340 xeedho, 720 fandhaal, & 360 hadhuub oo caanaha Geela lagu cabo" ayay sheegtay Marwo Sofiya.

Waxaa carwadan lagu soo gunaanaday makhribnimadii maalintii shalay ahayd.

Xigasho: http://www.srsinfo.gov.et/

WARAR KALE
Sep 06 XUKUUMADA CUSUB EE DEEGAANKA SOMALIDA OO MAGACAWDEY WASIIRO IYO WASIIRO KU-XIGEENO
Sep 05 SHIRWEYNIHII SANADLAHA AHAA EE WAXBARASHADA DEEGAANKA SOMALIDA OO ARDEYDA LAGU GUDOONSIIYAY ABAAL-MARINO
Sep 04 MAGACAABIDA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA & XUBNO KALE OO MASUULIYIIN AH.
Sep 04 WAREYSI LALA YEESHAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE LOO DHAARIYAY ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA
Sep 03 XUBNAHA CABINET-KA DAWLADA CUSUB EE ISMAAMULKA DEEGAANKA SOMALIDA OO LA ANSIXIYAY
 
ETHIOPIA: KING OF THE HORN (Aug 19, 18:01)
    ©2005 Somalistate.com  ®All rights reserved.       Designed by Somalistate