Bogga Hore ku noqo
CakaaraNews
Xaajo
Wabishabeele
Abaaqaroow
Kilil5
Afdheer
Ogaden-online
Ogadennet
Somaliwide
Nogob
Dhanaan
Wardheernews
Qorahay
Qabridaharre
BBCSoomaali
VOASomali
Goldogob
Hiiraan
HornAfrik Online
Horseednet
Radio Daljir
Radio Garowe
Radio Midnimo
RamaasSoftware
Laascaanood
MasjidShaafici
Marka Caday
Mudug Online
Puntlandpost.com
SomaliCity
Somalilandnet
Somalinet
Somalitalk
Allpuntland
Somaliweyn
Wayaha.com

 

 

 

 

 
BISHAARO, BISHAARO .. TELEFISHINKA DDS EE ESTV(ETHIOPIAN SOMALI TV) OO HAWADA GALAY, LAGANA DAAWAN KARO ARABSAT-KA
Posted to the Web Oct 10, 20:44


Jigjiga: isgaadhsiinta iyo aaladaha tebinta wararku waa lafdhabarta dawladnimada iyo xog ogaalnimada xaqiiqda dhabta ah ee jirta, xukuumada dds ayaa culays saartay sidii ay sare ugu qaadi lahayd saxaafada bulshada dds ee ku dhaqan dalka iyo dibadiisaba looga haqabtiri lahaa tebinta xaqiiqda iyo wararka ka turjumaya waaqica dhabta ah.


ka dib markii saxaafada dds kor loo soo qaaday lana sugay tebinta wararka xaqiiqda dhabta ah ee dawlada deegaanka soomaalida itoobiya iyo Meertada Nololeed ee ay Shacabka DDS kaga Jiraan Horumarka Ka Taabo Galay Deegaanka ayaa Ay Qurbajoogtu Fahmeen Xaqiiqda Dhabta Ah ee Jirta, taasoo ku sii Xiiso Galisay in Ay Helaan Television Caalami Ah oo ay Leedahay DDS si ay ula Socdaan Deegaanka Xili walba.


Hadaba Socdaaladii uu Madaxweynuhu ku Tegay Qaar ka Mida Dalalka Yurub iyo Ameerika Ayaa Ay Qurbajoogtii uu Kula Kulmay Ay Madaxweynaha Ka Codsadeen in La Sameeyo Telefishan uu Leeyahay DDS oo ku Biira Sateliteka Caalamiga ah si ay Deegaanka ugalala socdaan, taasoo uu madaxweynuhu ka soo balanqaaday in la samayn doono.


Midhihii ka Dhashay Balanqaadkii uu Madaxweynuhu u balanqaaday Qurbajoogta Waa tan Maanta uu Hawada Caalamiga ah ee Arabsatka uu  ku galay Telefishankii DDS, waana Telefishin u dhigma Marka Tayadiisa la eego Ethiopian TV (tvga Qaranka itoobiya) islamarkaana DDS ayaa Ah Deegaankii ugu horeeyay wadanka itoobiya ee Samaysta Telefishan Casri ah oo Tayadiisu Sarayso lana Mid Ah ETV.


Dhanka kale telefishanka oo ku jira xiligii tijaabada shaqeeyana 6 saac oo kaliya ayaa la filayaa in 45-cisho ka dib uu shaqayn doono 24 saac oo dhamaanba wixii macluumaad ah laga heli doono. mar uu Madaxweynuhu ka hadlayay Farxada shacabka DDS ay muujiyeen ka dib markii ay arabsat ka daawadeen telefishan deegaanku leeyahay ayuu yidhi inkastoo ay farxad inoo wada tahay maanta in telefishan aynu leenahay meel kasta laga daawado hadana farxadeena waxaa ka sii mug wayn farxada ay u qabaan maanta Qurbajoogta DDS ee ku Dhaqan Dalka Dibadiisa.


Xigasho... CakaaraNews.

WARAR KALE
Oct 30 GUDDIGA DOORASHOOYINKA ITOOBIYA OO SHEEGAY XILIGA DOORASHADA GUUD DHICI DOONTO
Oct 29 ZAMBIA OO YEELATAY HOGAAMIYE CADAAN AH KADIB MARKII UU GEERIYOODEY MADAXWEYNIHII DALKAASI
Oct 28 XARUNTA ADDIS ABABA EE ITOOBIYA OO NOQOTAY MAGAALADA SADEXAAD EE QARAMADA MIDOOBAY
Oct 28 HAY'ADDA AMNESTY INTERNATIONAL OO SOO SAARTAY WARBIXIN 5000-QOF OROMO AH LAGU XIDHAY ITOOBIYA
Oct 27 SHAQAALE HINDI AH OO KU GEERIYOODEY SHIL KA DHACAY WARSHAD SOO SAARTA SOKORTA OO KU TAAL ITOOBIYA
 
    ©2005 Somalistate.com  ®All rights reserved.       Designed by Somalistate