SPORT: ALJEERIYA OO AWOOD U SHEEGATAY ITOOBIYA

ethiopia_algeria

ALGIERS – Xulka qaranaka ee Aljeeriya ayaa maanta si xun uga badiyey xullka kuabada cagta ee Itoobiya. Kooxda Aljeeriya ayaa 7 gool kaga badisay ka Itoobiya, halka xulka qaranka Itoobiya hal gool oo kaliya u dhaliyey.

Taratanka isreeb-reebka qaramada Afrika ayaa socda iyada oo koxaha guuleysta ay ciyaaraha kama dambeysta ah ee qaarada u soo gudbi doonaan.

Labada dal ayaa ku wada jira groobka J iyada oo Aljeeriya ugu koreyso. Itoobiya ayaa kaalinta 2-aad ku jirta.

Wareega labaad ee ciyaartal ayaa bishan March 29-dii ka dhici doonta Addis Ababa.

Itoobiya ayaa waayadan dadar galisay kooxdeeda kubada cagta si ay guulo uga keento tartanada qaarada Afrika iyo caalamka, balse weli natiijo fiican lagama hayo.

Itoobioya ayaa caan ku ah ordada dhadheer oo loo yaqaano maratoonka iyada raga iyo haweenka ka soo jeeda Itoobiya ay dhawr jeer guulo soo hooyeen.

Somalistate.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com