TPLF: DASDUURKA WAAN DIFAACAYNAA

tplf

MAQALLE – Ururka TPLF, oo ah ka ugu tunka weyn EPRDF, ayaa sheegay in cadowga gudaha iyo ka dibadu aanay marna ka leexin karin ujeedadooda ah in uu meelmaro dasduurka dalku. Ururka ayaa hadalka ka sheegay munaasabad ku aadan xuska 42-aad ee asaaska jabhada.

Qoomiyada Tigreega ee uu ururku matalo ayaa dareentay kacdoon ka dhan ah oo ay wadaan qoomiyadaha kale, gaar ahaan Oromada iyo Axmaarada kuwaas oo rumaysan in qoomiyada Tigreegu ay ku tagrifalayso awooda iyo dhaqaalaha dalka islamarkaana gacan bidixaynayso qoomiyadaha kale.

Warbixinta ayaa lagu xusay in ururka xaliye wax lagu sheegay dhibaatoyinkii salka ku haye horumarinta wadanka, balse lama soo hadal-qaadin khilaaf siyaasadeed oo la sheegay inuu ka dhax aloosan yahay xubno jabhada ah.

Xuska asaasaka jabhada ayaa sanadka ku soo beegmay xilli dalku ku jiro xaalad degdeg ah iyo iyada oo ay sii xoogaysanayaan dareenka jabahada laga soo horjeedo ee ka jira gobolo badan oo dalka ah.

EPRDF ayaa horey u tilmaantay inay jiraan masuuliyiin ku sifoobay musuqmaasuq, ku tagrifalka awooda, eexasho iyo khayraadka dalka oo si siman aan loo isticmaaleen. Jabhada ayaa isku-shandahyn ku samasay gollaha wasiirada iyo maamulada 4-ta ee ay ka kooban tahay EPRDF.

Mucaaradka wadanka ayaa sheegay in loo baahnyahay isbal ka weyn isku-shandhayn kaasoo ah in dalka laga qabto doorashooyin xor ah, laakiin ururka EPRDF ayaa taladaas diiday.

Warbixinta TPLF ayaa lagu tibaaxay in jabhadu garab taagan tahay qoomiyadaha iyo shuucabta kale ee Itoobiya.

F.g: Xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com