WARAR QUBANE AH OO KU SAABSAN ITOOBIYA

oromiaregion

ADDIS ABABA – Wasaarada ganacsiga ee Itoobiya aya sheegtay inay kor u qaaday qiimaha shidaalka kala duwan laga bilaabo maanta. Wasaarada ayaa go’aankeeda ku salaysay wax ay ku sheegtay qiimaha shidaalka caalamka oo kor u kacay 3 bilood ee la soo dhaafay.

Qiimaha litirka baansiinka ah ayaa laga dhigay 16.61 birr; naaftada ayaa halkii litir lagu gadi doona 14.16 birr, halka gaska caadiga ah(kerosene)  uu litirku noqon doono 13.65 birr.

Dadweynaha Itoobiya ayaa ka cabanaya sicir-barar ku yimid waxaayabaha daruuriga ah iyo adeegyada guud. Kordhinta qiimaha shidaalka ayaa taaban doonta nolosha dadka Itoobiya oo idil, gaar ahaan dadka dan yarta ah.

– Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu baarlamaanka dalka hortago maalinta Khmiista ah oo bishu tahay 12 January. Xubnaha baarlamanka ayaa fursad u heli doona inay Hailemaraim su’aalo ka weydiyaan xaalada guud ee wadanka.

Warbaahinta Itoobiya ayaa saadalisay inra’isulwasaarahu diirada saari doono isbadalada lagu sameeya xukuumadiisa  iyo maamulada qoomiyadaha ku bahoobay EPRDF. Waxaa kale oo la eegi doona saameynta xaalada degdega ahi ku yeelatay dalka iyo dhaqaalahiisa.

Mucaaradka Itoobiya ayaa u arka baarlamaanka mid magac-u-yaal ah oo aan hadal ku soo celin karin masuuliyiinta TPLF oo ah ururka ugu tunka weyn EPRDF.

Shir lagaga hadlayo sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa Itoobiya ayaa maanta ka furmay caasimada dalka, Addis. Waxaa kulanka ka soo qaybgalay madaxada diimaha kala duwan, odayaal, hay’ado ganacsi, madax ka socota dawlada iyo ururo caalami ah.

Wasiirka xoolo-dhaqatada iyo horumarka, Kassa Teklebirhan, ayaa xubnaha shirka ka soo qaybgalay u sheegay inay dawladu joogtayneyso isbadalada la bilaabay si looga jawaabo cabashooyinka shacabka.

Ergooyinka ka socda ururada caalamiga ah, oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in badhaadhaha Itoobiya uuna sii socon karin haddii aan la helin nabad joogto ah.

Itoobiya ayaa laga dareemaya gadood shacbi oo ka dhan ah dawlada kaas oo dalka u horseeday xasilooni la’aan sababtay xaalad degdeg ah. Waxaa jira warar tibaaxaya in dibadbaxyadii ku bilowday sida nabada ah ay isu badaleen dagaalo hubaysan iyada oo goobo badan oo dalka ah jabahado ka dhaqdhaqaaqayaan. Ereyga nabada ayaa badalay halkudhegii dawlada ee ahaan jiaray horumarka taas oo ku tusaysa sida dalku ugu sii siqayo colaad wajiyo badan yeelan karta haddii aan xal degdeg ah la gaadhin.

F.G: xuquuqda warka waxaa iska leh Somalistate.com oo soo diyaarisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com